Madaxweyne Loo Haysto Maxaad U Qarisay Tuugadii Kuu Soo Dhacday?

0
Wednesday August 03, 2022 - 08:24:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Loo Haysto Maxaad U Qarisay Tuugadii Kuu Soo Dhacday?

    "Maadaama lacagta la xaday ay ahady lacag qalaad, waxay arrintaa ka dhigan tahay in la jebiyay sharciyada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maadaama lacagta la xaday ay ahady lacag qalaad, waxay arrintaa ka dhigan tahay in la jebiyay sharciyada"

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo dhawaan hadlayay ayaa qiray in xisbigiisa ANC uu haatan marayo xilligii uu ugu liitay balse isaga qudhiisa ayaaba lagu dhegan yahay. 



Afar sano ka hor waxa uu xilka kala wareegay madaxweyne Jacob Zuma oo musuqmaasuq uu dhaawacay sumcadda maamulkiisa, wuxuuna xilligaasi ballanqaaday in uu la dagaallamayo musuqmaasuqa.


Balse madaxweyne Cyril ayaa haatan la daalaa dhacaya fadeexado musuqmaasuq. Tan ugu daran ayaa ah muranka ka dhashay qarin la sheegay in uu qariyay burcad bishii Febraayo 2020 u dhacday beer uu ku leeyahay Phala Phala.


Arrintani ayaa ku soo beegmeyso xilli xisbiga ANC lagu wado in sanadkan uu soo xusho murashaxiisa xilka madaxweynenimada doorasahda dalka ka dhici doonta 2024, waana xilli madaxweyne Ramaphosa uu wajahayo cadaadis aad u xoogan.


Kaddib markii in muddo ah ka caga jiidayay in uu ka hadlo ayuu ugu dambeyn jimcihii dhawaa ka jawaabay su’aalo la xiriria dhacdadaasi oo uu weydiiyay dacwad-oogaha ugu sarreeya dalka ee baaraya dhacdadaasi.


Kholeka Gcaleka ayaa madaxweynaha ugu hanjabay in uu u yeeri doono maadaama uu horey ugu guul-darreystay in uu ka soo jawaabo su’aalaha ku gaadaaman dhacdadaasi.


Xogta ku saasban dhacaasi iyo sidii loola dhaqmay kooxdaasi tuugada ahayd oo markii dambe la qabtay ayaa bannaanka u soo baxday bishii Juun ee sanadkan, waxaana arrintaasi shaaciyay madaxii hore ee sirdoonka qaranka, Arthur Fraser.


Fraser oo ah nin aad ugu dhow madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma ayaa madaxweyne Ramaphosa ku eedeeyay qfduub, laaluush bixin iyo in si aan sharciga waafaqsanayn uu u amray in la soo qabto raggaasi tuugada ah ee beertiisa ka dhacay lacag lagu qiyaasay 4,000,000 oo doolar.


Fraser waxa uu intaasi ku daray in lacagtaasi tirada badan oo sida la sheegay lagu dhex qariyay barkimo ay suurtagal tahay in markeedi horeba lagu kasbaday qaab sharcidarro ah, sida in musuqmaasuq ay ku soo gashay madaxweynaha.


Dhacdadaasi ayaa la sheegayaa in ay geysteen niman reer Namibia ah oo falkaasi la soo maleegay shaqaalihii beerta madaxweyne Ramaphosa.


'Wax dambi ma aanan geysan’

Maadaama lacagta la xaday ay ahady lacag qalaad, waxay arrintaa ka dhigan tahay in la jebiyay sharciyada xakamaynta sarifka.


Jawaabtii ugu horreysay ee uu bixiyay ayuu madaxweynuhu ku sheegay in "eedeymahaasi aysan sal iyo baar midna la hayn".


Xafiiska madaxweyne Ramaphosa ayaa xaqiijiyay in tuugo ay dhacday beertiisa oo ku taal gobolka Limpopo, "dhacdadaasi oo keentay in la xado  dhaqaalihii ka soo xarooday iibinta ugaarta beertaasi", balse waxa uu muran ka keenay tirada uu sheegay madaxii hore ee sirdoonka qaranka Arthur Fraser.


Qaar ka mid ah su’aalaha uu soo jeediyayx ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la xiriira suurtagalnimada in madaxweynaha uu ku xad-gudbay xeer hoosaadka anshaxa iyo dastuurka maadaama uu qariyay xatooyada ka dhacay beertiisa. Waxa ay sidoo kale dooneysaa in ay ogaato talaabooyinka uu madaxweynuhu qaaday si loo hubiyo in si fiican loo baaro xatooyadaasi.


Madaxweynaha ayaa ku gacan seyray eedeymaha Arthur Fraser oo uu ku tilmaamay olole sumcad dil ah oo isaga ka dhan ah, kaa oo ay wadaan dadka kasoo horjeeda ajandihiisa la dagaallanka musuqmaasuqa. Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in siyaasiyiinta isaga ka soo horjeeda ee gudaha xisbiga ANC aysan dooneynin in uu mar labaad qabto xilka madaxweynenimada dalka.


Khudbad uu jeediyay laba toddobaad ka hor, ayuu Ramaphosa ku sheegay "in uu ballanqaaday in uu si buuxda ula shaqayn doono baaritaanka ka dhanka ah dhacdadaasi", uuna ku faraxsan yahay in lala xisaabtamo.


Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in uusan ogolaan doonin in eedeymaha [musuqmaasuqa] ay  ka hor istaagaan in uu sameeyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo, si ay dib ugu dhisaan dhaqaalaha dalka, iyo in ay ka joojiyaan oo ay ka niyad jabiyaan shaqadiisa.  Hadalkaasi Ramaphosa waxaa aad ugu farxay oo la dhacay taageerayaashiisa. Balse hadalkaasi ayaa u muuqday in si sarbeeb ah uu dagaal gudaha ah ugu caddeysanayay xisbigiisa ANC.


Sida uu qabo sharciga xisbigaANC, qof kasta oo lagu soo oogo dacwad musuqmaasuq ama dambiyo kale waa in uu xilka isaga tago inta ay baaritaannada socdaan.


Inkastoo madaxweynaha aan si rasmi ah loogu soo oogin wax dambi ah, haddana taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Jacob Zuma ayaa doonaya in uu xilka iska casilo.


Bishii hore, boqollaal ka mid ah taageerayaasha Zuma ayaa ku hor mudaaharaaday xarunta xisbiga ANC, iyagoo dalbanaya in la soo xiro madaxweynaha iyo in uu xilka iska casilo.


Zuma oo maxkamadeyntiisa musuqmaasuqa la xiriirta ay dib u billaaban doonto bishan, ayaa taageero ka helaya garabka bidix ee xisbiga ANC, waxaana taageerayaashiisa ay weli qaadan la ’yihiin  xabsigii uu sanadkii hore ku muteystay in uu ku guul-darreystay in uu ka qaybgalo baaritaan gaar ah oo ku saabsanaa musuqmaasuqa loo haystay ee las heegay in uu dhacay xilligii uu madaxweynaha ahaa. Waxa uu xabsiga ku jiray ku dhawaad ​​laba bilood oo ka mid ahaa 15-kii bilood ee lagu xukumay,  ka hor inta aan loo fidin cafis caafimaad.


Dalabka is-casilaadda ah ee ay dalbanayaan taageeryaasha Zuma ayaa sii xoogeystay kaddib markii qaar ka mid ah wufuud ka qeybgaleysay shir ka dhacayay gobolka  KwaZulu-Natal - oo ah xarunta Zuma ay ku oriyeen Ramaphosa.


'Muuqaal dhaawacaya sumcadda dalka'

Mucaaradku ayaa sidoo kale sii hurinaya cadaadiska siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha.

Bantu Holomisa, oo ah hoggaamiyaha Midowga Dhaqdhaqaaqa Dimuquraadiga ahi, ayaa warqad u qoray afhayeenka baarlamaanka, waxa uuna ka dalbaday in shaqada laga joojiyo madaxweynaha  ilaa iyo inta ay ka soo baxayaan natiijada baaritaanka ka dhanka ah madaxweynaha.


"Eedaymahaasi waxay si weyn u dhaawaceen sumcadda dalkeena, waxa ayna u badan tahay in ay si xun u saamayso kalsoonida maalgashadayaasha, maadaama madaxweyne Ramaphosa uu markii hore u dhaqmay sida halyey u taagan maamul wanaagga," ayuu yiri Holomisa.


Inkasta oo ay jiraan su’aalo ay tahay in madaxweyne Ramaphosa uu ka jawaabo oo la xiriira doolarka laga xaday beertiisa, haddana xilliga Fraser uu soo shaac-bixiyay arrintan ayaa loo arkaa mid laga shakin karayo marka loo eego tartanka loogu jiro qabashada hoggaanka xisbiga ANC.


Dadka reer Koonfur Afrika ayaa la qabsaday fadeexado musuqmaasuq, shirqool siyaasadeed iyo in la is-ceebeeyo ka hor tartanka loogu jiro hanashada jagada ugu sareysa xisbiga ANC.


Sanadkanna waxba kama duwana kuwii hore.

BishaDiseembar ee sanadkan ayuu xisbiga ANC qaban doontaa shir-weyne doorasho oo ay ku dooranayaan qofka noqon doona musharaxa madaxtinimo ee xiga, waxaana hubaal ah in xiisadi ay arrintaasi ka dhalan doonto.

 

BBC

Loading...
Loading...