Xukuumadda iyo Shirkadaha adeega korontada Somaliland oo heshiis gaadhay

0
Tuesday August 02, 2022 - 16:35:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda iyo Shirkadaha adeega korontada Somaliland oo heshiis gaadhay

    Xukuumadda iyo Shirkadaha adeega korontada Somaliland oo heshiis gaadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda iyo Shirkadaha adeega korontada Somaliland oo heshiis gaadhay


Hargeisa(HWN):-Xukuumada Somaliland iyo shirkadaha laydhka, ayaa ku heshiiyay in qiimaha korontada halkii unit lagu iibiyo $0.73, isla markaana aan la jarin korontada habeenkii.



Shirkadaha laydhka, ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen 23, 6, 2022 ku sheegay in ay adeega korontada goyn doonaan 11:00PM ilaa 4:00AM habeenkasta marka la gaadho 1 bisha Ogosto, kadib markii ay xukuumadu hor istaagtay go'aan ay ku doonayeen in ay halka unit ee korontada ku iibiyaan $0.84.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya in la gooyo laydhka saacadaha qaar habeenkii, isla markaana shirkadaha korontada iyo xukuumada, ayaa iskugu yimid qiimo dhexdhexaad ah, iyadoo qolo waliba tanaasul samaysay.

Shirkadaha laydhka ayaa sheegay in anay qiiimaha korontada ku iibin karin qiimihii hore, kadib markii uu kordhay qiimaha shidaalka caalamka oo dhan dagaalka Yukrayn awgii.


Loading...
Loading...