Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Xadhiga Xukuumad Muuse Ay Xidhay Tababarihii Kooxda Goodir

0
Tuesday August 02, 2022 - 16:10:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Xadhiga Xukuumad Muuse Ay Xidhay Tababarihii Kooxda Goodir

    "iyada oo xadhiga qaabkan ku yimaada ee dhallinyaradu ay keento naceybshiyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"iyada oo xadhiga qaabkan ku yimaada ee dhallinyaradu ay keento naceybshiyo"

Hargaysa (HWN)  Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbigga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa cambaareeyay xadhiga Xukuumada Muuse Biixi kula kacday Tababarihii kooxda kubadda cagta ee Goodir, Jamaal Cabdi Axmed (Jante) oo xukuumadu xabsiga utaxaabtay.

Xogahayaha ayaa qoraal uu kaga hadlayo xadhiga Tababaraha oo uu baahiyay uqornaa sidan:-

 

"Waa ceeb iyo foolxumo in Tababarihii kooxda kubadda cagta kooxda Goodir Jamaal Cabdi Axmed (Jante) oo ah nin Akhlaaq leh, in  Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha XKCSL ay xidhaan.



Waxaan si weyn u cambaareynayaa in maalin walba ay labadan shakhsi, qofkii si adag ula dooda ama ka fikir duwanaadaba ay si sharci-darro ah ku xidhaan, iyada oo xadhiga qaabkan ku yimaada ee dhallinyaradu ay keento naceybshiyo iyo goddobo.


Dadka shaqadoodii ka soo bixi waayey inay haddana xadhig iyo cabudhin dhallinyaradii ugu daraan maaha wax loo dulqaadan karo, mana jirto meel ciyaaraha iyo xadhig iska soo galaan waana taariikh cusub oo Agaasimaha Asqaysani la yimid muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.


Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqaya Taliyaha Ciidanka Booliska inuu xorriyadiisa u soo celiyo Jamaal Jante, kaas oo guulo waa weyn u soo hooyay kooxdiisa maadaama aanay jirin sabab lagu xidhay oo uu ku sii xidhnaado.”Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)

Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbigga WADDANI

Loading...
Loading...