Fahan La'aanta Qaadhaanka ee Haysata Bulshadeena

0
Tuesday August 02, 2022 - 15:44:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahan La'aanta Qaadhaanka ee Haysata Bulshadeena

    Qalinkii Maxamed Sharma'arke

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Maxamed Sharma'arke

Beri dhexdii ahayd ayuu Jamaal Cali Xuseen yidhi, waxaan wax ku darsaday qaadhaankii lagu doortay Obaama, madaxweynihii hore ee Maraykanka. Bulshadu waxay uga falceliyeen sidii ay uga falcelin lahaayeen qof sheegay inuu quraanka ku soo daray aayad la illoobay.



Nidaamka dimuquraadiyadda oo ku dhashay xoolka ummadaha ugu ilbaxsan ayaynu qaadannay innaga oo ilbaxnimo iska dhaaf e aan xataa lahayn taariikh reer magaalnimo.


Dhaqanka miyiga ka soo fufaa wuxuu keenay in qiyam kasta oo ay dimuquraadiyaddu lahayd loo macnaysto isla sidii uu qof geeljire ahi u macnaysan lahaa. Markaas ayay qaar ka mid ah qaayasoorradii ugu aasaasinaa dimuquraaddiyaddu yeesheen macnaha ugu xun.


Waxaa soo baxay kala fogaan wacyi oo ugu yaraan boqollaal sano ah oo u dhexeeya bulshadeenna iyo nidaamkan. Waxaa rumowday in aan maskax geeljiraysan marnaba lagu hiigsan karin dimuquraaddiyad xaqiiqi ah.


Wargeysyada Washington post, thetimes, the economics iyo badanka wargeysyada kale ee ka soo baxa dunida dimuquraaddiga ah haddaad mareegahooga gasho, qoraal kasta markaad dhammayso waxaa hoostiisa ku qoran farriin ah "si aanu madaxbannaanidayada u ilaashanno, wax ku darso qaadhaanka uu wargeyskani ku dhisan yahay." Waxa sidaas ina leh wargeys ka jira dalka ugu dhaqaalaha badan dunida. Ma aha baahi iyo inuu waayay cid maalgelisa, waa se in maalgelin kasta oo aan ahayn qaadhaan bulsho ay madaxbannaanidiisa luminayso. Ugu yaraan, hadduu qof wargeyskaas keligii maalgeliyo, dembi kasta oo uu maalgeliyihu galo suuragal ma aha in wargeysku ka soo gudbiyo warar xaqiiqo ah. Waa xorriyadla'aanta ugu yar.


Iyada oo waaqic ah aan idin tuso e, telefishannada waaweyn ee SL ka jira badankoogu - haddaanay dhammaantood ahayn, waxay si bil le ah lacago xayaysiis lagu sheegay uga qaataan shirkadaha waaweyn ee dalka, gaar ahaan Telesom, Dahabshiil iyo Somcable. Weli miyaad aragteen telefishannadaas oo haba yaraato e in yar oo dhaliil ah ka sheegaya shirkadahan? Amaba si madaxbannaan wax iskaga weydiinaya barnaamijyada cusub ee ay shirkadahani soo kordhinayaan? Mar dhexdii ahayd ayay Dhaweeyayaashu ku muddaharaadeen Telesom. Muddaharaadkaas hal telefishan ma baahin. Madaxbannaanida ay telefishannadaasi sheegan karaan waa tee? Saw ma arkaysid ilaa xadka ay lacagahaas xayaysiiska ahi lumiyeen madaxbannaanidii telefishannada. Bal ka warran haddaba haddii shirkad qudhi yeelato warbaahinta mid ka mid ah? Amaba warbaahinta oo dhan mid walba cid gaar ahi yeelato? Warbaahintaasi xor ma noqonaysaa?


Ummadda fahamtay in aanay wargeysyadoodu madaxbannaanaan karin qaadhaan la'aan, ka warran xisbiyadoodana? Markuu Jamaal Cali Xuseen lahaa qaadhaankii Obaama ayaan wax ku darsaday, macnihiisu ma ahayn anigaa maalgeliyay sidii loo fahmay, wuxuu ahaa qaadhaan uu qof waliba bixinayay.


Sababta koowaad ee xisbiyadu u noqdeen kuwa kalitalisnimo dhexdooda ka jirto oo shakhsiyaad leeyihiin, waa in aanu xisbigu qaadhaan ku dhisnayn ee uu ku dhisan yahay lacag hal qof bixiyo. Xisbiyadu halkii ay isha dakhliga ee ugu mudani ka noqon lahayd xubnahooga, waxay noqdeen lidka tan oo xubnaha ayaabay xisbiyadu u yihiin il dakhli. Waxay noqdeen xarumo loo shaqatago. Haddaad u fiirsato guddoomiye kasta oo xisbi waxaa ku hareeraysan koox aan shaqayn oo uu siiyo lacago faraguudkood ah, bal se uu kaga beddeshay daacadnimadooda. Shaqada keliya ee ay kooxdaasi qabataa waa u-guulwadaynta guddoomiyaha xisbiga.


Inaad filato in xisbi kelitalis ah ay ka dhalato dawlad dimuquraaddi ahi, waa nooc nacasnimada ka mid ah. Ururka Galool isaga oo jidkaas ka baydhaya, islamarkaasna ilaalinaya wadalahaanshaha oo ka hortagaya kelitalisnimada, wuxuu shaaciyay qaadhaan.


Lamafilaan naguma ay noqon falcintii nagu soo noqotay, waayo waxaanu sii ogayn sida ay maskaxda ummad aan ilbaxnimo lahayni u fasiran doonto ereyga "qaadhaan." Waa isla tan hadda dhacday e.


Waxaanu aragnay in inta ay bulshadu u baahan tahay jiritaanka xisbiyada, ay in ka badan u baahan tahay fahamsiinta nidaamkan aynu qaadannay. Markaas waxaanu qorshaha ku darsannay haddaanu xisbinimo u gudubno in aanu magacowno "Xoghaya isu soo dhawaynta wacyiga bulshada iyo dimuquraadiyadda."


Gunaanadkii, inaad raadiso in xisbi aan qaadhaan ku dhisnayn ay ka dhalato dawlad dimuquraaddi ahi, waxay la mid tahay adiga oo sugaya inuu soo baxo nebi ka dambeeya Nebi Maxammed, scw.


Qalinkii Maxamed Sharma'arke

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...