Xukuumada oo xabsiga Dhigtay Tababarihii Xulka Gobolka Maroodijeex iyo Kooxda Goodir

0
Tuesday August 02, 2022 - 14:21:06 in News by Abdi Good
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada oo xabsiga Dhigtay Tababarihii Xulka Gobolka Maroodijeex iyo Kooxda Goodir

    Xukuumada oo xabsiga Dhigtay Tababarihii Xulka Gobolka Maroodijeex iyo Kooxda Goodir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada oo xabsiga Dhigtay Tababarihii Xulka Gobolka Maroodijeex iyo Kooxda Goodir


Hargeysa(HWN):-agaasimaha wasaarada ciyaaraha ayaa xabsiga ku hubsaday tababarihii xulka gobolka maroodijeex iyo kooxda goodir jamaal  Cabdi Axmed.


May be an image of 1 person and standing

xoghayaha ciyaaraha xisbiga Waddani Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase ayaa shaaciyey in xukuumadu xabsiga dhigtay tababare Jamaal, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray.

"Waa ceeb iyo foolxumo in Tababarihii kooxda kubadda cagta kooxda Goodir Jamaal Cabdi Axmed (Jante) oo ah nin Akhlaaq leh, in Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha XKCSL ay xidhaan.

Waxaan si weyn u cambaareynayaa in maalin walba ay labadan shakhsi, qofkii si adag ula dooda ama ka fikir duwanaadaba ay si sharci-darro ah ku xidhaan, iyada oo xadhiga qaabkan ku yimaada ee dhallinyaradu ay keento naceybshiyo iyo goddobo.

Dadka shaqadoodii ka soo bixi waayey inay haddana xadhig iyo cabudhin dhallinyaradii ugu daraan maaha wax loo dulqaadan karo, mana jirto meel ciyaaraha iyo xadhig iska soo galaan waana taariikh cusub oo Agaasimaha Asqaysani la yimid muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.

Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqaya Taliyaha Ciidanka Booliska inuu xorriyadiisa u soo celiyo Jamaal Jante, kaas oo guulo waa weyn u soo hooyay kooxdiisa maadaama aanay jirin sabab lagu xidhay oo uu ku sii xidhnaado."

Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase.

Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbigga WADDANI

Loading...
Loading...