Kenya Oo Lacag Badan Ka Faa,iiday Mudo Kooban Oo Jaadka U Dhoofinaysay Muqdisho

0
Tuesday August 02, 2022 - 14:06:26 in News by Abdi Good
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Lacag Badan Ka Faa,iiday Mudo Kooban Oo Jaadka U Dhoofinaysay Muqdisho

    Kenya Oo Lacag Badan Ka Faa,iiday Mudo Kooban Oo Jaadka U Dhoofinaysay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Lacag Badan Ka Faa,iiday Mudo Kooban Oo Jaadka U Dhoofinaysay Muqdisho


Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan fasaxday in jaadka dalka Kenya loo soo dhoofiyo dalka, kaddib heshiis qodobo dhoor ah ka koobnaa oo ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.




Ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaana bilaabay in jaadkooda usoo dhoofiyaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana durba la dareemay saameynta dhaqaale ee ka dhalatay jaadka Soomaaliya loo soo dhoofiyay.


Warbaahinta Nation TV ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku warantay in jaadka Soomaaliya loo dhoofinayay afartii maalin ee lasoo dhaafay qiimihiisu gaartay lacag dhan 2 milyan oo dollar.


Sida lagu baahiyay warbixinta Nation TV, magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa la keenay 81.4tan -tan oo jaad ah , tan iyo markii dib loo fasaxay jaadka Kenya ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya.


Dhaqaalaha Kenya kasoo galaya jaadka ee Soomaaliya usoo dhoofiso ayaa la filayaa in sare usii kaco, waxaana wali geesta kale bilaaban in Soomaaliya dhankeeda u dhoofiso Kenya Kalluun sida uu horey heshiiska la gaaray u dhigayay.


Loading...
Loading...