Guddi Baadhaysa Tacadiyadii Ka Dhacay Maamulka Soomaalida Itoobiya Oo La Ansixiyey

0
Tuesday August 02, 2022 - 10:33:32 in News by Abdi Good
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi Baadhaysa Tacadiyadii Ka Dhacay Maamulka Soomaalida Itoobiya Oo La Ansixiyey

    Guddi Baadhaysa Tacadiyadii Ka Dhacay Maamulka Soomaalida Itoobiya Oo La Ansixiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi Baadhaysa Tacadiyadii Ka Dhacay Maamulka Soomaalida Itoobiya Oo La Ansixiyey




Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida oo maalmihii u dambeeyay shir uga socday magaalada Jigjiga ayaa ansixiyay gole loogu magac daray Komishinka Baadhista tacadiyadii deegaanka ka dhacay.


Golahan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxay ka shaqayn doonaan inay soo baaraan oo ay soo uruuriyaan xogta dadkii tacaddiyada kala duwan loogu gaystay degaanka Soomaalida xilliyadii xukuumaddii hore ee degaanka ka talin jirtay.

Xubnaha la ansixiyay ee ka shaqayn doona baadhista tacaddiyadii degaanka ka dhacay ayaa kala ah :-

1- Dr. Sufyaan Xasan Qaasim

2- Mustafe Xaaji Cadaw

3- Sahra Cumar Cali

4- C/raxmaan C/laahi Baynax

5- Maxamad Macalin Cusmaan

6- Shaafi Siciid Luqmaan

7- Foosiya C/qaadir

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa la sheegaa inay tacaddiyadii u badnaa ay dhaceen xilligii dalka Itoobiya ay hoggaanka u hayeen maamulkii TPLF, kuwaas oo la sheegay inay tacaddiyo badan ka gaysteen degaanka Soomaalida.

Degaanka Soomaalida ayaa wali waxaa jira dad badan oo dhibaatooyin kala duwan loo gaystay xilliyadii maamuladii hore ee degaanka Soomaalida ka talin jiray, dadka ay tacaddigu iyo dhibku soo gaarey xilligaa ayaa ilaa maanta ka cabanaya inaan howshoodaa aan waxba laga qaban.
Loading...
Loading...