Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Safto Masar Kana Horyimaado Itoobiya

0
Tuesday August 02, 2022 - 10:17:50 in News by Abdi Good
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Safto Masar Kana Horyimaado Itoobiya

    Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Safto Masar Kana Horyimaado Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Safto Masar Kana Horyimaado Itoobiya


Muuse Biixi oo Masar la safanaya iyo raysal wasaare Abiy Ahmed oo magacaabay wakiil u qaabilsanaan doona xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland.


wasiirul dawlaha arimaha dibeda ahna la taliyihiisa amniga qaranka Redwan Hussein ayuu raysal wasaaraha Itoobiya u magacaabay wakiilka u qaabilsan xaalada siyaasadeed ee Somaliland taagan.

dhinaca kale Muuse Biixi ayaa qorshaynaya in Somaliland la safato Masar oo ay si weyn iskaga soo horjeedaan Itoobiya.

wararku waxay sheegayaan in kulankii uu Muuse Biixi dhawaan la yeeshay salaadiinta Habarjeclo uu odoyaasha uga waramay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka isaga u sawiray in wadanku xaalad fiican ku jiro, waxaanu u cadeeyey in Washington ay dhawaan fadhiisin weyn ku yeelan doonto dalka.

sidoo kale Muuse Biixi waxa uu salaadiinta Habarjeclo u sheegay in Somaliland ay la safanayso Masar oo ay iska soo horjeedaan Itoobiya, waxaanu u cadeeyey in wefti ka socda Qaahira ay dhawaan Iman doonaan Hargeysa.

Muuse Biixi waxa uu todobaadkan safar ugu bixi doonaa Itoobiya oo uu martiqaad rasmi ah ka haysto, waxaana la dhawri doonaa mawqifka ay Itoobiya ku kala tagaan iyada oo khilaafka doorashooyinku ka mid yahay qodobada lagala hadli doono.

wefti ka socda Masar ayaa tiraba sadex jeer socdaal ku yimid somaliland bishii June ee sanadkii 2020, wakhti yar ka hor shirkii Jabuuti ayaanu weftigii ugu cuslaa yimid Hargeysa halka weftigii ugu dambeeyey ay socdaal Hal maalin ah ku yimaadeen Hargeysa 22 June 2020 kulan ilaa labadii habeenimo laysla gaadhayna ay la qaateen Muuse Biixi.



Loading...
Loading...