Tartan Adag Oo Siyaasiyiinta Somaliland Matalayaa Ugu Jiraan Kursiga Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey

0
Tuesday August 02, 2022 - 10:05:11 in News by Abdi Good
  • Visits: 2274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Adag Oo Siyaasiyiinta Somaliland Matalayaa Ugu Jiraan Kursiga Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey

    Tartan Adag Oo Siyaasiyiinta Somaliland Matalayaa Ugu Jiraan Kursiga Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan Adag Oo Siyaasiyiinta Somaliland Matalayaa Ugu Jiraan Kursiga Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey


Tartanka loogu jiro booska Raysalwasaare-ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sababay dib u dhaca magacaabista Golaha Wasiirada.

No description available.



wararku waxay sheegayaan in Loollankani u dhaxeeyo Mahdi Maxamed Guuleed oo difaacanaya kursiga uu hada ku fadhiyo, gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo isku dhinac ah iyo xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo ay dhisayaan kudlada ugu badan xildhibaannada Somaliland matalaya, kuwaas oo hore-na hogaanka aqalka sare ku dhisayey Senator Saalax Axmed Jaamac.

kursiga raysal wasaare ku xigeenka oo 24-kii saacadood ee ugu danbeeyey uu ku qornaa xildhibaan Biixi Iimaan Cige balse dagaal siyaasadeed xoogan oo ay Isniintii qaadeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayay isku hor fadhiisteen Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo dalbaday inaan Biixi Iimaan la magacaabin iyaga oo ku eedeeyey qodobo ay ku jiraan inaanu da'dii sharcigu tilmaamayey gaadhin kuwaas oo ku hanjabay in haddii Biixi booskaas la siiyo ay warbaahinta la hadli doonaan iyaga oo raysal wasaaraha ku eedaynayaa sharci jabin.

Raysalwasaare Xamse oo arrinkaas ka xanaaqayna wuxuu ugu jawabaay haddii ay Biixi diiddaan in uu saaxiibkii Saalax Axmed Jaamac u magacaabayo booskan kaas oo iska casili doona xubinimada Aqalka Sarre. Sababta Raysalwasaarahu u xusay Senator Saalax ayaa lagu sheegay in uu Saalax yahay ninka ay sida ugu adag isku hayaan Mahdi iyo Cabdi Xaashi, isla markaana ah gacanta midig ee Biixi Iimaan.

Ugu dambeyn waxa caawa lagu kala hoyday in senator Saalax Axmed Jaamac loo magacaabayo booska Raysal wasaare ku xigeenka. Laakiin go'aanka ugu dambeeya waxaa iska leh madaxweyne Xasan Sheekh oo aan welli isagu arinkan go'aan ka qaadan, hore na u taageersanaa xildhibaan Biixi Iimaan.

Sidoo kale xildhibaan Biixi Iimaan wuxuu garab weyn ka helayaa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh oo ka kooban garabyada Daljir iyo Damujadiid. Halka Mahdi iyo Cabdi Xaashi na ay la safan yahiin qaar ka mida maamul goboleedyada iyo kooxda Nabad iyo Nolol oo hoosta ka riixaysa Mahdi.

Loading...
Loading...