"Ciidanka Booliisku Xabad Nool Uma Adeegsan Karaan Dad Aan Hubeysnayn…"

0
Tuesday August 02, 2022 - 09:23:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciidanka Booliisku Xabad Nool Uma Adeegsan Karaan Dad Aan Hubeysnayn…"

    W/Q Xildhibaan Xasan Ogaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Xildhibaan Xasan Ogaal

Ciidanka Booliska JSL wuxuu leeyahay xeerka la yidhaahdo (Xeerka Ciidanka Booliiska Somaliland LR 63/2013), kaas oo qayaxaya waajiboodkooda shaqo iyo Masuuliyaddooda guud isla markaasna waa xeerka lagu Maamulo Booliska.



Sidii dhacday malmihii Xisbiyadu sameeyeen isu soo bixi nabadgelyada ahaa, waxay isticmaaleen xabad nool, iyo jidh dil, xeerarka caalamiga ah iyo xeerkan Booliskuba ay macnuuceen, sida uu dhigaayo, xeerka Boolisku, qodobkiisa 16-aad, farqdiisa 7-aad oo odhanaysa "Ciidanka Booliisku xabad nool uma adeegsan Karaan dad aan hubeysnayn haday dhacdona waxaa ka masuula cidda amarkaa bixisay.”


Taasi waxay ku tusaysaa in Madaxda Ciidanka Boolisku sharcigii ka leexdeen oo ilaa hada anay wax anshax marin ah ku qaadin cidii falkaas gaysatay.


Xisbiyada Mucaaridku waxay sheegeen inay hakin ku sameeyeen mudaharaadkii salmiga ahaa, taas oo ay ku sababeeyeen codsi uga yimi Guddi is xilqaantay, waxaase dhawaan uu sheegay Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro inay qorshaynayaa in dib loo bilaabo mudaharaadkii salmiga ahaa.


Hadaba, Xisbiyada iyo bulshaduba xaq ayay u leeyihiin inay dareenkooda ku cabiraan isu soo bax salmi ah oo nabadgelyo, waana xuquuq aas-aasiya oo qofkastaa leeyahay inuu dareenkiisa cabiro, qofkana hadii loo ciido inuu afka ka hadlo ma waxaa la doonayaa inuu gacanta ka hadlo. Sidaas markay tahay, shalay madaxdii Ciidanka Booliska ee hadlaysay waxaad moodaysay inay sii xalaalaysanayaan ficil ay qabanayaan, waxaana haboon in aan la siyaasadayn ciidanka Booliska, sidaas oo ay tahay Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciiddamada JSL oo Ciiddankan Booliskuna ka mid yahay, sida waafaqsan Qoddobka 90aad ee Dastoorka JSL, waxaana looga baahan yahay inuu ilaaliyo sumcadda Ciidanka iyo inaanu siinin amar khaldan madaxda Ciidanka, haduu isagu sharciga u yaqaano "sharcibaan ku taaganay” inaga oo arkayna inuu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay ee macno tira  Dasduurkii iyo xeerarka Qarankani leeyahay.


Markaas waxaan bulshada u soo jeedinayaa inay Ciidanka Booliska ilaaliyaan oo la shaqeeyaan isla markaasna waxaan Ciidanka Booliska si weyn ugu boorinayaa inay shicibkooda ilaaliyaan oo iyagu aanay nabadgelyo daro abuurin, niyadana ku hayaan, dhaartan la mariyo markaad shaqada gelaysaan, taas oo ah " Xubin kasta oo ciidanka booliiska Somaliland loo qaato marka shaqada la qorayo waa in la mariyaa dhaartan dastuuriga ah ee ku xusan qodobka 129aad ee Dastuurka qaranka una dhigan sidan "WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.”

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...