Sababaha Keena Dhalmo-La'aanta Ragga

0
Tuesday August 02, 2022 - 08:36:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha Keena Dhalmo-La'aanta Ragga

    "Mowduucan hadal-hayntiisu waxay mar walba ka dhex taagan tahay bulshada waddan walba"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mowduucan hadal-hayntiisu waxay mar walba ka dhex taagan tahay bulshada waddan walba"

Dhibaatada dhalmo la'aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada waana mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena furriinka.



Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan.

Dalalka qaar, lamaaneyaasha arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira gogol dhaaf.


Qoysas kalena waxay go'aansadaan in ay korsadaan carruur ay dad kale dhaleen, si ay noloshooda guurka ugu badbaadiyaan.


Mowduucan hadal-hayntiisu waxay mar walba ka dhex taagan tahay bulshada waddan walba.

BBC-da ayaa la hadashay khubaro caafimaad si wax looga ogaado arrimaha sababa dhalmo la'aanta ragga iyo sida xal loogu heli karo.


Maxay tahay dhalmo-la'aanta ragga?

Dhalmo la'aanta ragga waa dhibaato haysata ugxaanta taranka, taasoo sababta in ninka xaaskiisa ay uur qaadi wayso.


Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, dhibaatadan caafimaad waxay haysataa malaayiin qof oo ku nool caalamka, kuwaasoo gaaray da'da dhalmada, waana arrin saamayn ku leh qoysaska iyo bulshooyinka.


Warbixinta WHO waxaa lagu sheegay in qiyaastii 48 ilaa 186 milyan oo lamaane ay la dhibaatoonayaan caqabadda dhalmo-la'aanta.


Waxay hay'addu intaas ku dartay in ragga qaar aysan waligood dhalin qaarkoodna ay ugxaantoodu marna shaqayso marna shaqaynin.


Maxaa sababa dhalmo-la'aanta ragga?

Dr Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la xiriira taranka ragga ayaa BBC-da u sheegay sababaha ugu waawayn ee keena dhalmo-la'aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar, xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada.


Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto.


Dr Bamisebi ayaa intaas ku daray in haddii baaritaannada la sameeyo ay muujiyaan in tirada unugyada shahwada ay ka yar yihiin 15 milyan ay taas caddaynayso in ninka xagiisa uu ka jiro dhibka.


Muxuu yahay xalka?

Dr Bamisebi ayaa sheegay in la-tacaalidda dhalmo-la'aanta ragga ay ku kala duwan tahay marba waxa ay sababta tahay, xalkuna uu yahay mid ku salaysan cilmi baaris.


Waxa uu qabiirkan sheegay in dhakhtarka bukaanka la kulma uu ogaanayo sababta rasmiga ah kaddibna dhibaatada xallinteeda sidaas ku wajahayo.


Dr Bamisebi ayaa sheegay in cilladda dhalmo-la'aanta ragga ay mararka qaar sababi karto qalliin iyo habab kale oo loo adeegsado daawooyin.


Ragga dhibaatadan caafimaad qaba ayuu kula taliyay in ay iska ilaaliyaan qaadidda waxyaabo aad u culus iyo in ay ku dadaalaan cunista raashin nafaqo leh oo horumarinaya awooddooda dhalmada.


Sidoo kale, waxa uu ku boorriyay in raashinka ay cunayaan ay noqdaan kuwo laga heli karo maaddooyinka Vitamin C, Vitamin D iyo Zinc, kuwaas oo xoojiya tirada shahwada ragga.

 

BBC

Loading...
Loading...