Salaadiinta Bariga Burco Maxay Ka Wada Hadleen Hogaanka Xisbiga Waddani & Siyaasi Maxamuud Xaashi.

0
Monday August 01, 2022 - 21:00:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Salaadiinta Bariga Burco Maxay Ka Wada Hadleen Hogaanka Xisbiga Waddani & Siyaasi Maxamuud Xaashi.

    "Salaadiinta Habarjeclo waxay u sheegeen hogaanka xisbiga Waddani inay dhex noqonayaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Salaadiinta Habarjeclo waxay u sheegeen hogaanka xisbiga Waddani inay dhex noqonayaan"

ka dib kulankii ay Muuse Biixi la qaateen, salaadiinta Habarjeclo waxay shirar kale la yeesheen hogaanka xisbiga Waddani iyo siyaasi Maxamuud Xaashi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xildhibaanada beeshoodu ku leedahay golaha wakiilada.

 

wararku waxay xaqiijiyeen in siyaasi Maxamuud Xaashi uu salaadiinta u sheegay inuu isku arko hogaankii Habarjeclo u badali lahaa Axmed Siilaanyo isaga oo xusay inuu beesha dhexdeeda leeyahay mudnaanta koowaad.

 

sidoo kale xildhibaanada ayaa dhankooda u soo jeediyey salaadiinta inay ilaaliyaan midnimada Habarjeclo Oo ay kala reebaan siyaasiyiinta, cidii fursada lehna loo soo xulo hogaaminta beesha.

 

warku wuxuu sheegayaa in salaadiintu ay dhankooda sheegeen inay muhiim u arkaan inay yeeshaan xisbi iyo Xero u gaara, kana shaqaynayaan midnimada Habarjeclo iyaga oo balanqaaday inay samaynayaan waxkasta oo u dana iskuduubnida beeshooda.

 

salaadiintu waxay u soo jeediyeen Maxamuud Xaashi iyo xildhibaanada Wehelinayey inaanay isku mashquulin beeshooda balse ay raadiyaan dadka kale oo ay gaashaanbuur siyaasadeed samaystaan, waxaanay u cadeeyeen inay iyagu go'aan ka gaadhi doonaan cida siyaasad ahaan hogaamin doonta beesha.

 

Dhinaca kale salaadiinta Habarjeclo waxay la kulmeen hogaanka xisbiga Waddani.

 

warku waxa uu sheegayaa in gudoomiye Xirsi oo kulankan furay uu uga waramay xaalada dalka, waxa uu u sheegay in wixii ka yimaada xaaladan lagu jirana uu masuuliyadeeda leeyahay Muuse Biixi oo uu tilmaamay inuu gardiid yahay, dadkana uu ku leeyahay iska Kay celiya.

 

waxa kale oo warku sheegay in gudoomiye Xirsi uu salaadiinta ugu baaqay inay dhex ka noqdaan xaalada siyaasadeed ee dalka balse ay qayb ka noqdaan badbaadinta Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in la garabgalo Musharax Cirro oo beeshiisana in badan la garbinayey waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

sidoo kale Musharax Cirro oo kulankan ka hadlay ayey wararku xaqiijiyeen inuu salaadiinta Habarjeclo dareensiiyey inuu isku arko hogaamiye dalka iyo dadkaba uga fiican Muuse Biixi, isaga oo xusay inuu mudan yahay in la garab galo, waxaanu dareen taban ka muujiyey in siyaasiyiinta Habarjeclo ee xukuumada ku jira ee ay ka mid yihiin Maxamed Kaahin iyo Xinif ay markasta u jawaabistiisa cidkasta uga soo horaynayaan taas oo gudbisa fariin aan fiicnayn.

 

Salaadiinta Habarjeclo waxay u sheegeen hogaanka xisbiga Waddani inay dhex noqonayaan inta jawiga siyaasadeed dhinac u dhacayo, waxaanu warku xaqiijiyey inay salaadiintu ku doodeen haddii ururada la furo inay xaaladu isbadalayso haddii la furi waayana ay iswaydiisashada codku furan tahay oo ay maalinteeda la sugayaan.

 

salaadiintu waxay u soo jeediyeen masuuliyiinta xisbiga Waddani inay dhawraan dalka oo ay tanaasulka badiya an.

 

dareenka uu Musharax Cirro ka muujiyey siyaasiyiinta muxaafidka ah ee Habarjeclo ayaanay wararku xaqiijiyeen in salaadiintu ay kaga jawaabeen inaanay shaqo ku lahayn oo aanay la talin cida u shaqaysaa Muuse Biixi oo ay ula jeedeen xubnaha muxaafidka ah.


Loading...
Loading...