Bakayle Qaladki Weeyanon,Oogo Loo Baxaa Jirin, Bakhtiga Xalaal U Aha, Badanaa Dadkeenii.

0
Monday August 01, 2022 - 18:57:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bakayle Qaladki Weeyanon,Oogo Loo Baxaa Jirin, Bakhtiga Xalaal U Aha, Badanaa Dadkeenii.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

 BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],


TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.



 

BAKHTIGAA XALAAL U AH,BADANKOOD DADKEENII,


BURKA IYO SALIIDIYO,BAASTADIYO BARIISKIIBA,


BELEDKA HADDII U BUUXANA,LAMA BAAYACAYO,


BARTODAAN LA JARAHAYN,BARARSIXIRKA AWGIIS,


BAKAYLE QALADKII WEEYON,MEEL LOO BAXA JIRIN,


BAD WAX KAMA YIMAADAN,BEERDHIGA ABAAREED,


BAABIISAY OOGADII,BELEDKANANA SIYAASIGAN,


BUDHCADI KA DARANEE,BEERBARYAY U REEBAYN,


BOOBAYAA BURBURIYO,BUUQ GELIYAY OO ROGAY,


BADHADHAHENA TAAJIRAY,BIYO KUMA WARABSHO,


BIRITAY KA BAQAYAAN,BARAKACII QAXOONTIGA,


BUUDHKIYO HABAASKII,BERYUN AY KA RAYSTEN,


BUUNKAY QAAR TUMAAYAAN,BIGILKII COLAADED,


DAGAAL LOOGU BU’AYA,BUNDUQYADA SIFEYEEN,


BEELOBEELO NOQOTAYO,BAYLAHIYE QARANIMO,


BOODHKA LAGA AFUUFO,LOO BADHEEDH QABILKI,


BAXSIBA BADHYAHAYO,BAASABOORO DOONTEN,


BARTAA KU DHAAFA MAANTA,BERI WAAYAHEEDE,


                      ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...