Degdeggu Waa Wedka Damaca.

0
Monday August 01, 2022 - 08:20:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Degdeggu Waa Wedka Damaca.

    Qaybta 2aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 2aad.

Waxay ahayd maalin Axad ah, saacadduna qiyaastii ahayd 9:30am, markii aan telefoon kula hadlay Maxamuud Xaashi. Bariido iyo is xog waraysi xagga xaafadaha ah kaddib waxa aannu ballannay Berrito oo Isniin ku began 10:00am in aannu kulanno, madasha aannu qorshaynnay in aannu isugu nimaadno waxay ahayd xafiiskayga shaqada.



Waqtigaas waxa maalmo koobani ka soo wareegeen markii uu istaagey la iskuna fahmi waayey wadahadalkii u socdey Xisbiga Waddani iyo Maxamuud xaashi.


Markii aannu isu nimi waqtigii Ballantu ahayd, kuna kulannay halkii ballantayadu ahayd, waxa aannu iska xogwaraysannay arrimaha siyaasadda ee hadda taagan.


Maxamuud waxa aan u soo bandhigay in uu xisbigii uu aasaasayaashiisa markii hore ka mid ahaa ku soo noqdo. Waxa uu codsigaygaa kaga jawaabey oggolaansho aan shuruud lahayn.


Waxaan labadayabu isu sheegnay in rag kale oo dhawr ah oo deegaanka ahi iyaguna arrinta Maxamuud la soo qaadeen, waxaa raggaa ka mid ahaa, Jaamac X. Maxamuud Cigaal. Wasiir Maxamed X. Aadan Cilmi iyo Baashe Cawil X. Cumar.


Waxaannu isla fahamney in ay muhiim tahay in kooxdayadani midowno.

Waxa aan xidhiidh la sameeyey raggaa odayada ah, waxa aannu maalintii ku xigtey ee Salaasada isugu nimi afartayadaasi xafiiskayga shaqada.


Waxaannu ka midaysnayn isku aragtina ka ahayn in ay lagana maarmaan tahay in arrintan aannu ka midho dhalinno.


Waxaannu isla garannay in halka bar bilowga noo noqonaysaa in ay noqoto sidii aannu isugu keeni lahayn Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi, Maxamed Kaahin waqtigaa waxa uu arrimo nabadeed ugu maqnaa Laascaanood iyo Adhi caddeeye.


Waxaannu Markii u horraysey afartayadaasi wada kulannay Maxamuud Xaashi, waxaannu isugu nimi guriga Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaannu ka sheekaysannay sida aannu kulamada u bilaabayno iyo sida ay annaga noola muuqato, waxaannu si waafi ah isula qaadannay in Maxamed Kaahin noqdo odaygayaga 1aad Maxamuudna yahay odaygayaga 2aad, Maxamedna aannu ula wada dhaqanno inuu yahay odayga deegaan ahaan noogu weyn Dhanka siyaasadda iyo xisbigaba,kana wada danbaynno.


Sidoo kale waxaannu si aan warwareeg lahayn isugu waafaqnay inuu yahay ninka maanta leh jaaniska 1aad, haddii aanu si iskii ah isagu uga tanaasulin, ninka ku xigaana uu ahaado Maxamuud Xaashi.

Dhamaantayo intayadii hawshaa markaa isugu timi waannu isla qaadannay iyadoo Maxamuudna naga mid ahaa.


Waxaanu si waafi ah isugu waafaqnay in ay muhiim tahay in laga bilaabo Maxamed Kaahin, waxa jirey rag kale oo arrintan hore wax uga dhaqdhaqaajiyey, Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashina la soo qaaday labadubana ay soo dhoweeyeen sida Mustafe Cabdi Cartan iyo Cabdi Jaaquur oo ay labadoodaba saaxiibbo yihiin.


Xidhiidhkii u horreeyey oo telefoon ah waxaannu la yeelannay Maxamed Kaahin annagoo ka codsannay inuu yimaaddo Hargeysa, muddo hal usbuuc qiyaastii ah ayuu M. Kaahin ku yimi.


Waxa annagoo saddex ah Wasiir Maxamed X. Aadan,  Jaamac Maxamuud Cigaal iyo aniga naloo xilsaaray in aannu marka uu yimaaddo u warranno M. Kaahin,  gurigiisa ayaannu ugu tagnay  galabtii uu soo galay magaalada maqribkeedii, waxaannu isu diyaarinnay in aannu u sharraxno arrintan iyo sida aannu rabno in ay u socoto.


Hadalkii intii aannaan dhamaynba ayuu M. Kaahin naga dhex galay oo nagu yidhi waxba ha sii sharrixinee  waxaad intiinnani garateen waan qaatay, sidee ayaanan  raggiinnan ula qaadanayn  arrin ay iila yimaaddeen.

Waxaannu  isla wada qaadannay kuna wargelinney M. Xaashi iyo Baashi Cawil oo naga maqnaa in habeen danbe aannu ku wada kulanno guriga Axmed Siilaanyo, sababo aannu u xulannay guriga Siilaanyo ayaa jirey.

Waannu isu wada nimi habeenkii ballantu ahayd.


La soco......

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...