Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Dil Ka Gaystay Hargaysa

0
Monday August 01, 2022 - 08:11:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Dil Ka Gaystay Hargaysa

    "dilkan ayaa ka dhacay degmada Axmed Macallin Haaruun gaar ahaan xaafadda Kaah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dilkan ayaa ka dhacay degmada Axmed Macallin Haaruun gaar ahaan xaafadda Kaah"

Ciidanka Booliska JSL  ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiigle Cabdi Cali Cismaan oo loo yaqaan (Fool) Oo xalay abaaro 11:00 Dilay marxuum la odhan jiray Maxamed Cawil Saaxil.



dilkan ayaa ka dhacay degmada Axmed Macallin Haaruun gaar ahaan xaafadda Kaah ee Magaalada Hargaysa.

Ciidanka Booliska ayaa hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii , kuna jira hadda gacanta Ciidanka Booliska.


Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada la wadaagayaa In gacan ku dhiiglaha la horkeeni doono sharciga.

Sido kale Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta xasiloonida in gacan bir ah lagu qaban doono.


Ciidanku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.


Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Loading...
Loading...