Halkuu Ku Dhacay Gantaalkii Shiinaha Ee Aadka Looga Baqayay?

0
Monday August 01, 2022 - 07:57:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkuu Ku Dhacay Gantaalkii Shiinaha Ee Aadka Looga Baqayay?

    "Dowladda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Dayax-gacmeedkaasi soo dhacaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Dayax-gacmeedkaasi soo dhacaya"

Haraaga burburka Dayax-gacmeed uu leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku soo dhacay dhulka, gaar ahaan qeybo katirsan baddaha Hindiya iyo Baasifigga, sida ay sheegeen saraakiil ka kala tirsan Mareykanka iyo Shiinaha.



Wakaaladda Hawada Sare ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in inta badan haraagii Dayax-gacmeed la yiraahdo Long March 5 ay ku gubteen hawada sare, waxa ayna sheegtay in Badda Sulu ee ku taal badweynta Pacific-ga ay tahay halka u uku soo dhacay.


Mar sii horreysay ayaa khubarada hawada sare waxay sheegeen in ay aad u yar tahay  suurtagalnimada in Dayax-gacmeedkaasi uu ku soo dhaco meel ay dadku ku badan yihiin.


Dayax-gacmeedyada Shiinaha ee iska soo dhacaya ee aan la xakameynin ayaa dhaliyay su'aalo ku saabsan mas'uuliyad-dararda ka jirta hawada sare.


Waxaa hore u jiray baaqyo ay hay'adda hawada sare ee Mareykanka ee NSA ugu dirtay wakaaladda hawada sare ee Shiinaha inay u naqshadayso gantaallada Shiinaha qaab ay hawada dhulka ug soo noqon karaan iyadoo aan xakamaha loo jarin.


Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayaa taliska hawada sare ee Mareykanka waxa uu sheegay in Dayax-gacmeedka Long March 5 " uu dib u soo galay hawada badweynta Hindiya.


Dhanka kale, wakaaladda hawada sare ee Shiinaha ayaa sheegtay in haraaga burburka Dayax-gacmeedkaasi uu ku soo aadan yahay aag ku yaal Badda Sulu – bariga jasiiradda Filibiin ee Palawan ee ku taal waqooyiga Pacific.


Gantaalladii u dambeeyay ee xarunta hawada sare ee Shiinaha ay hawada u dirtay loona yaqaan Tiangong waxaa dhammaantood ka maqanaa xakamaha awoodda dib-u-soo-celinta.


Kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Axadii, markas oo gantaal noocisu yahay Long March 5 uu qalab shaybaar u qaaday saldhigga Tiangong.


Dowladda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Dayax-gacmeedkaasi soo dhacaya uu halis yar u keeni karo qof kasta oo dhulka jooga, inkastoo ay u badan tahay in uu ku dhici doono badda.


Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta suurtogalnimada in qaybo ka mid ah gantaalku uu dulka ku dhaco welib meel ay dadku ku badan yihiin, sidii horeyba u dhacday bishii Maajo sanadkii 2020, markaas oo ay waxyeello soo gaartay dhismooyin ku yaallay Ivory Coast.


Dayax-gacmeedkaasi ayaa in muddo ah hadda ku wareegayay aagga la yirahdo elliptical ee dhulka ku wareegsan, halkaas oo ay adag tahay in la xakameeyo.


Marka loo eego Shirkadda Aerospace Corporation, oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay California, gantaalka wuxuu qiyaas ahaan dhulka ku soo dhici doonaa abaare 00:24 GMT maalinta Axaddaa ah.

Aad ayey goor hore tahay in si sax ah loo ogaado halka uu ku soo dhici doono haraaga gantaalka oo gaaraya 25-tan.


Meelaha suurtagalka ah ee burburka gantaalka ku dhici karo waxaa ka mid ah Mareykanka, Afrika, Australia, Brazil, Hindiya iyo Koonfur-bari Aasiya, sida ku cad saadaasha shirkadda.


Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la'aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad iyo buunbuunin wx aan micno badan lahayn.


Dayax-gacmeedka Long March 5 ayaa labo jeer oo hore  la gamay, waxay kala ahaayeen bishii May sanadkii 2020-ka iyo bishii May 2021-ka.


Sanadkii hore Shiinaha ayaa sheegay in gantaalkii fakaday uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya gaar ahaan mee u dhaw jasiiradda Maldives.


Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasho waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°).


Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b.

Dhammaan dhacdooyinka wax dhibaato ah kama dhalan balse waxaa si weyn u dhaleeceeyay hay’adaha qaabilsan hawada.


Talaadadii, wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa ku eedeysay warbaahinta reer galbeedka oo uu hoggaaminayo Mareykanka inay faafinayaan dacaayado ka dhanka gantaalka Long March5.


Dr Hugh Lewis, oo ku taqasusay haraaga gantaallada looga soo tagay hawada sare, wuxuu sheegay in 60-kii sano ee la soo dhaafay in hawada sare laga buuxiyay qashin iyo jajabka gantallo.


Masuuliyadda qashinkaas ayuu ku eedeeyay dhowr dal, waxaana ugu badan Ruushka iyo Mareykanka.

Xilliga casriga ah, waxaa lagu baaqayaa in gantaallada hawada sare loo diro, in lagu xakameeyo halkaas, laguna xiro qalab u hagi kara in ay ku degaan meelo badqab ah, sida badda.


Laanta Cirbixiyeennada Yurub waxay sheegtay in sannadkasta illaa 100 dayax-gacmeed iyo gantaallo ay ku soo noqdaan dhulka.

 

BBC

Loading...
Loading...