Waa kuma masuulka ay shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa u bixiyeen ''Duco-qabe''?

0
Sunday July 31, 2022 - 19:26:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma masuulka ay shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa u bixiyeen ''Duco-qabe''?

    Waxaa qoray: Mohamed Iimaan Muhumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa qoray: Mohamed Iimaan Muhumed.

''Allah ayaa u doora Umaddiisa hadba ciddii masuuliyadda qaadi lahayd doorashaduna xaga samada ayay ka timaadaa waase Imtixaan, hadaba masuulkan idiin muuqdaa waa Xoghaye Siciid Nuur Jamaac, wuxuu Jebiyey deyr ama xayndaab ku xidhnaa shaqada & shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa (DHH), Xoghayaha fulinta DHH wuxuu rabbi ku manaystay qaabkii iyo qorshihii uu ku maareyn lahaa dejinta, daadihinta shaqada iyo daryeelka shaqaalaha fidinaya adeegyada DHH ay bixiso wuxuu maareeyey arimahan hoos ku xusan :-



1. Mushaharka shaqaalaha DHH in wakhtiga ay qaatan ay noqoto wakhti ku habboon kuna qanceen shaqaale-waynaha DHH isla markaana ay ku mahadiyeen maadama wakhtigii uu yimid mushaharka dib-u-dhac weyni ka jiray kana saaray meesha mushaharkii habsanka ahaa, iyadoo shaqaalaha DHH ay u bixiyeen Magaca "Duco-Qabe” sababtuna ay ahayd maadama tan iyo markii uu yimid mushaharkii shaqaalaha uu jaangooyey isla markaana bil walba mushaharkooga joogto uga dhigay.


2. Xoghaye siciid wuxu bulshada ugu Adeegaa sidii ugu haboonayd ee shaqo loo gudan jiray bulshadana loogu Adeegi jiray tan iyo markii uu xilka kala wareegay 28th  February 2021 isagoo kala wareegay  Ex-xoghaye Juxa.


3. Wuxuu dibu-habeyn balaadhan uu ku sameeyey maamulka Shaqada iyo Shaqaalaha isagoo sixitaan ku Sameeyay mamulka DHH xarun ilaa heer degmo, kormeero joogta ahna ku marayey goob kasta oo dowladda hoose ah oo shaqo ka socoto.


4. Wuxuu dardar-gelin ku sameeyay nidaamka dekhli-ururineed oo ah ilaha Dhaqaale  DHH Ay ku tiirsantahay


5.Wuxuu gacan qabtay dad danyar ah oo duruuf dhaqaale soo wajahday


6. Xoghaye Siciid Nuur Jaamac wuxuu Bulshada reer hargeysa ugu jiraa kaalin muhiim ah, golaha degaanka casimadda ee ay  hogaamiyaan Maayir Cabdikariin Axmed Mooge & Mayir-xigeen Khadar Axmed Nuur, waxay nasiib u heleen in ay heleen xoghaye hawl-kar ah islana jaanqaadeen.


7. Dhanka horumarka casimada

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...