Hooyo Reer Somaliland Ah Oo Dil Loogu Hanjabay & Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay

0
Sunday July 31, 2022 - 19:02:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Reer Somaliland Ah Oo Dil Loogu Hanjabay & Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay

    "Hay'addaha Amaanka dalka waxa aanu cod dheer ugu sheegayna in ay sharciga horkeenan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hay'addaha Amaanka dalka waxa aanu cod dheer ugu sheegayna in ay sharciga horkeenan"

Hargaysa (HWN) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay Hooyo reer Somaliland ah oo sheegtay in dil loogu hanjabay.



Hooyo Faadumo Ibraahim oo inta badan faalaysa siyaasada Somaliland iyo kolba xaalada taagan ayaa maanta warbaahinta usheegtay in dil loogu hanjabay, sidaa awgeedna ay joojisay faaladii ay ka bixin jirtay siyaasada Somaliland.


Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil- Barkhad Jaamac ayaa qoraal uu baahiyay ugu baaqay hay’adaha amnigu inay wax ka qabtaan hanjabaada loo jeediyay Hooyo Faadumo:-

 

"Hooyo Faadumo Ibraahim waxa ay Astaan u tahay xorriyadda, kaftanka, madadaaladda, iyo faallooyinka arrimaha bulshadda, waa hooyo leh hibbo hadal, suugaameed iyo siyaasaddeed.


Muddo hadda sannad ah waxa ay caan ku noqotay ka sheekaynta xaaladdaha jira ee soo wajaha nolosha Somalida si gaar ahna waxa ay ku suntan tahay Somaliland iyo sawirkeeda siyaasaddeed.


Si ilbaxnimo iyo biseyl weyni ka muuqdo ayey uga ra’yi dhiibata wixi dhex yaala dalka ee war iyo wacaal ah hadalkeedu wuxu ka saafan yahay cunfi, cadho, qabyaalad iyo kal qeybin bulsho.


Waxa ayaandarro iyo aafo qaran ah qof kaalin galkaas nololeed leh in aayar loogu dhex hanjabo dalkeeda hooyo!


Hay'addaha Amaanka dalka waxa aanu cod dheer ugu sheegayna in ay sharciga horkeenan qofka hooyadda ugu soo hanjabay dil sida ugu dhakhsaha badan.


Hooyo Faadumana waxa aan leeyahay waxa aad tahay dheemaan aanu dheer nahay dalalka dunida ee nala joog oo hanjabaad ha u joojin shacabkaaga sharafta badan ee ku jecel ayaa harreerahaaga iyo hortaadaba jooga”. Xil- Barkhad Jaamac

Loading...
Loading...