Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Inaanay Jirin Doorasho Ka Soo Horraysa Doorashadda Madaxtooyada

0
Sunday July 31, 2022 - 18:22:28 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Inaanay Jirin Doorasho Ka Soo Horraysa Doorashadda Madaxtooyada

    Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Inaanay Jirin Doorasho Ka Soo Horraysa Doorashadda Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Inaanay Jirin Doorasho Ka Soo Horraysa Doorashadda Madaxtooyada


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Halgan Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay inaanay suurto-gal ahayn qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay oo Somaliland ka dhacda, isla markaanna aannay dhici karin doorasho hal dhinac ahi.


Siyaasi Cali Guray waxa uu sheegay inaanay Ururrada ordayaa ka qayb-galaynin doorasho madaxtooyo ee ay taas ku Biyo-cabbaan, waxaannu sheegay ilaa Doorashadda Madaxtooyaddu qabsoonto aannay suurto-gelaynin doorasho ay ku tartamaan ururrada siyaasaddu.

May be an image of 1 person
"Ninkii hadlayaaba ha iska hadlo eh doorasho ay ku tartamayaan ururo iyo xisbiyo oo aanu diyaar u ahayn in Ururka HALGAN uu ka qaybgalo ma jirto. Waxa la isku hayaa keliya waa goorma? Anigu waan sheegay waana la iga qoray. 3 ilaa 6 bilood ayay ka dambayn kartaa doorashada madaxtooyada hadii xal run ah la doonayo. Doorasho hal xisbi oo keliya iyo ururo ay ku tartamayaan waa doorasho aan la isla ogolayn Somalilandna kama dhacdo doorasho aan la isla ogolayn ee doctuur iyo midi roortayn ah. Hadii la isku dayo xataa HALGAN diyaar uma aha waayo waxa ka soo xeroon karaa waa sanaaduuq dhiigu tif leeyahay. Ha ku noqoto ururka ku noqon kara ee diyaar u ah in dhiigga dadkiisa xisbi haduu ku noqonayo ku noqon maayo eh. Aragtida HALGAN urur, iyo xisbi, iyo kursi madaxwayne intaba waxa kala qaalisan dhiigga dadkooda" Ayuu yidhi Siyaasi Cali Guray qoraalkiisan ku baahiyay bartiisa Facebook.

Anigu dadka been aan ogahay u sheegi maayo oo ma odhanayo doorasho aan la isla ogolayn oo ka soo horaysa doorashada madaxtooyada ayuu Madaxwayne Muuse Biixi qabanayaa. Qofka been ka dhaqaaqaa halka uu ku gaadhaana waa been. Anigu been ka dhaqaaqi maayo mid ka dhaqaaqayna iska daba geli maayo. Kuwa beenta ka dhaqaaqay inta iska daba gashayna waxan leeyahay; "Kala Dhuuman Maynee Waagaa Dharaar Noqon”. Ilaahayna sida roon ha inoo dooro inagu dooran kari mayno eh. Aaamiin.

Nebi Muxamed SCW munaafaqa wuxu inoo sheegay sadex calaamadood oo lagu garto: Haduu hadlo been buu sheegaa. Hadii la aamino wuu khiyaameeyaa. Hadii uu balanqaadona wuu ka baxaa. Ilaahay baynu ka magangalaynaa in aynu ku sifowno munaafaq. Waxaynu joognaa seben munaafaqnimadu ay fariidnimo iyo xariifnimo tahay.

HALGAN mudnaanta koowaad waxa u ah dhismaha ururka. Maalmaha soo socda hadii Allah yidhaa waa furitaanka Xafiiska Xarunta. Waxa ku xiga qabanqaabada Shirwyanaha koowaad ee Golaha Assaasayaasha. Golaha Assaasayaashu wuxu noqon doonaa haya’dda ugu saraysa Ururka HALGAN marxaladda kala guurka ee ururnimada iyo xisbinimada.

Loading...
Loading...