Qaabkii Sharciga Maraykanku U Saaray Donald Trump, Muuse Biixi Maw Saari Karaa Midka Somaliland?

0
Sunday July 31, 2022 - 11:40:01 in News by Abdi Good
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qaabkii Sharciga Maraykanku U Saaray Donald Trump, Muuse Biixi Maw Saari Karaa Midka Somaliland?

    Qaabkii Sharciga Maraykanku U Saaray Donald Trump, Muuse Biixi Maw Saari Karaa Midka Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkii Sharciga Maraykanku U Saaray Donald Trump, Muuse Biixi Maw Saari Karaa Midka Somaliland?




Jeenawari 6, 2021 ayuu Trump isku dayey in awoodda madaxweyne u adeegsado si ka baydhsan sharciga Maraykanka. Wuxuu diiday natiijadii doorashada, waxa kale oo uu diiday inuu xilka si nabad ah u wareejiyo. Taageerayaashiisii ayuu ugu baaqay inay isusoobax ku taageeraan dooddiisii sharcila'aanta ahayd.


Taageerayaal gadoodsan ayaa weeraray aqalka baarlamaanka. Waxay kabaha la dul mareen ciidankii ilaalada ahaa, waxay gudaha u galeen aqalkii baarlamaanka. Waxay burburiyeen qaybo badan oo aqalkaas ka mid ah, waxaanay dhaawaceen in ka badan 150 askari. Taageerayaashaas qaarkood waxay siteen calankii Confederate-ka - waa calankii lagu galay dagaalladii sokeeye ee Maraykanka e.

Waxay ahaayeen daqiiqado tijaabo u ahaa awoodda uu nidaamka dawladnimo ee Maraykanku ku difaacan karo toosnaantiisa iyo sharciyadda ay dadweynuhu heshiiska ku yihiin. Sida oo kale waxay tijaabo u ahaayeen ilaa xadka uu iska caabbin karo shakhsi khaldan oo awood leh.

Hirkii koowaad ee ka horyimid rabitaankii Trump waxay noqotay saxaafadda Maraykanka. Xataa saxaafaddii xaggiisa u janjeedhay waxay si xooggan uga hortimid dembiga weyn ee uu Trump ku dhiirraday. Waa saxaafad madba' ahaan, aqoon ahaan iyo wacyi ahaanba dhisan oo soo gudbin karta wax ka badan hebello isu jawaabay iyo warar qabaxaysan. Saxaafadda Trump taageersan waxay si aan toos ahayn u gudbisay farriin ahayd in qofka haddii aad gef badheedh ah ku taageerto aad ceeb iyo sumcadla'aan uun ka korodhsanayso. Marka se SL la joogo sumcaddu mihiim kama aha. Hadday muhiim ka tahay bulshada ma ay soo hor istaageen tuugtii ugu waaweynayd oo weli ilkaha dhiig ku lihi.

Maalintaas, saxaafadda Maraykanku waxa keliya ee ay difaacaysay qiyamka dadweyneheega ee dimuquraaddiyadda, sharciyadda iyo jidka la isla oggol yahay oo ahaa waxa keliya ee dalkoogu ku sii jiri karo.

Baraha bulshadu waxay gaadheen heer ay ka sarriigtaan inay gudbiyaan farriimaha sharcila'aanta ah ee dadweynaha kala dilaya ee uu Trump gudbinayo. Waxaa si toos ah looga xidhay Twitter iyo Facebook oo illaa maanta sidii uga xayiran. Halka ay SL saxaafaddeenna iska caadiga ahi ay caannimo ka raadiso baahinta wararka ugu xun ee la baahin karo, baraha bulshada oo caalami ahi maalintaas waxay muujiyeen xilkasnimo.

Hirkii labaad ee sida xooggan uga horyimid damicii Trump wuxuu ahaa aqoonyahannadii Maraykanka oo ay hoggaaminayaan jaamacaduhu, heer ay qaarkood gaadhsiiyeen in aanay rumaysan karin in nidaamka Maraykanku oggolaaday in qof Trump oo kale ahi uu madaxweyne noqon karo.
Hirkii saddexaad, uguna awoodda badnaa wuxuu ahaa laamaha kale ee dawladda Maraykanka ee aan fulinta ahayn.

Boolisku waxay u hawlgalayeen si lid ku ah rabitaanka Madaxweynaha. Waxay xabsiga u taxaabeen taageerayaal badan oo uu madaxweynuhu lahaa. Tiro gaadheysa saddex kun oo taageere ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwa kale si toos ah ayaa telefishannada looga baahiyay in halkii lagu arko booliska lala socodsiiyo, halka qaar kalena maxkamado la saaray. Markii iigu war dambaysay in ku dhow kun qof ayaa maxkamad loo saaray dembigaas.

Laanta sharcidejintu kama yaraysan. Waxay maamuus-ka-xayuubin ku sameeyeen Trump. Wuxuu waayey xuquuqaha iyo tixgelinta uu qarankiisa ku yeesho madaxweyne xilka ka degay.

Trump wuxuu isku dayey inuu awoodda madaxweyne ku takrifalo, waxaa se ka horyimid nidaam aan u hoggaansamin takrifalkiisii. Waa nidaam Trump oo shakhsi ah weliba bilaa maamuus ah dibedda u soo tuuray. Tijaabadii wuu ka gudbey nidaamkaasi. Wuxuu noqday nidaam iskii isku samatabixiyay oo toosnaantiisa difaacday.

Nidaamka dawladnimo ee SL ka dhisan, maalinta uu shakhsiga awoodda lihi leexdo waxaa ku yaaca cuqaal, wadaaddo, ganacsadayaal iyo kooxo kale oo kala duduwan bal se ka midaysan in aanay golayaasha dawladda ka tirsanayn, halka ay koomo kaga jiraan golayaasha kale ee dawladdu oo aanay shaqadooda qabsan karin.

Dheefta Biixi waxaa ka mid ah inuu ina baray in madaxweyne awood leh oo leexday aanay jidka sharcinimada ku soo dabbaali karin waxyaabihii dhaqan ahaan la qiimayn jiray sida ergada, gobonnimada iwm.

Biixi wuxuu qaawiyay waaxaha dawladda ee aan is dheellitiri karin iyo nidaamka SL ee aan iskii isku samatabixin karin, islamarkaana aan ilaashan karin jidka sharcinimada iyo ku-dhaqanka dastuurka. Wuxuu ina baray in nidaamka SL inta uu jidka toosan ku taagnaan karo ay ka badan tahay inta uu leexsanaan karo. Wuxuu ina baray inuu yahay nidaam u qaabaysan inuu metelo danta shakhsiga ugu awoodda badan oo keliya.

Nidaamka dawladnimo ee SL wuxuu u baahan yahay gurmad. Inaad halistaas dareento waxaa ku filan marka aad ogaato in haddii qof awood lihi isku dayo inuu nidaamka dawladnimo u adeegsado sharka ugu xun, in aanu ahayn nidaam iska waabin kara.

Waxa qoray Aqoonyahan Maxamed Sharmaake

Loading...
Loading...