Madaxweyne Muuse Biixi Ma Albaabadii Ayuu Ka Soo Xidhay Mudanayaasha Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada?

0
Thursday June 06, 2019 - 18:33:00 in News by
  • Visits: 3374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Ma Albaabadii Ayuu Ka Soo Xidhay Mudanayaasha Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada?

    Madaxweyne Muuse Biixi Ma Albaabadii Ayuu Ka Soo Xidhay Mudanayaasha Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Ma Albaabadii Ayuu Ka Soo Xidhay Mudanayaasha Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu dhaliilaa in tan iyo wakhtigii uu xafiiska yimid uu hoos u dhac wayni ku yimid wada shaqayntii uu la lahaa goleyaasha wakiilada iyo guurtida.



Siyaasiyiin mucaarid ah ayaa inta badan warbaahinta ka sheega in madaxweyne Muuse Biixi uu albaabada ka soo xidhay xildhibaanada goleyaasha wakiilada iyo guurtida taas oo sababtay inuu hoos u dhaco wada shaqayntii iyo taageeradii madaxweynaha iyo xukuumadiisu ku lahayd goleyaasha sharci dejinta.

Image result for madaxweyne muuse biixi iyo goleyaasha guurtida iyo wakiilada

Sidoo kale hoos u dhaca ku yimid wada shaqayntii uu madaxweyne Muuse la lahaa goleyaasha sharci dejinta ayaa la sheegaa inay sababtay in madaxweynuhu kalsoonida golaha u waayo laba codsi oo uu u diray, kuwaas oo kala ahaa xaaladii degdega ahayd ee uu ku soo rogay deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag iyo sidoo kale dalabkii ay xukuumadiisu ku doonaysay in xasaanada laga qaado xildhibaan Dhakool oo dawladu xabsiga dhigtay.


Hadaba xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida somaliland ayaa wakhti uu booqasho kula joogay Ex Madaxweyne Siilaanyo la waydiiyey in madaxweyne Muuse uu hoos u dhigay wada shaqayntii ka dhaxaysay goleyaasha sharci dejinta waxaanu ku jawaabay "Wax naga xidhan ma jiraan, isagana maad noo raaci aanu faraawil cas u galinee, meel naga xidhan ma jirto ee madaxweynahana waanu la shaqaynaa, madaxweynaha madaxweynuhu dhalay ayaanu yidhaahnaa xisbi ahaan oo madaxweynihii xilka ku wareejiyey madaxweynahan ayaanu u nimid saaka.”


Xildhibaan Indho Indho ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Anigu ilaa shan madaxweyne ayaan la soo shaqeeyey odaygan Nacnacna laba kaliya ayuu la soo shaqeeyey, madaxweyne walba marka uu meesha ka tago halkiisa ayaanu ku karaamaynaa, qofkuna inta uu xilka hayo in loo tagtago maaha laakiin anigu waxaan jecelahay inaan ka faa,iidaysto marka ay waaya araga yihiin, dhalinyaraduna waa inay u timaado oo ay wax ka barato.”




Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]


 

Loading...
Loading...