Balanqaadada Fashilmay Ee Xisbiga Kulmiye U Sameeyey Saxaafada Shan Sanadood Ka Hor

0
Sunday July 31, 2022 - 11:31:18 in News by Abdi Good
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Balanqaadada Fashilmay Ee Xisbiga Kulmiye U Sameeyey Saxaafada Shan Sanadood Ka Hor

    Balanqaadada Fashilmay Ee Xisbiga Kulmiye U Sameeyey Saxaafada Shan Sanadood Ka Hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Balanqaadada Fashilmay Ee Xisbiga Kulmiye U Sameeyey Saxaafada Shan Sanadood Ka Hor

May be an image of 1 person and text



12 qodob ee ballanqaadkan ku jira laba ka mid ah ayaa wax yar laga fuliyey, inta kalena Fulin ayey sugaysaa

1.8. Warbaahinta

Xisbiga KULMIYE wuxu aamminsan yahay in warbaahintu tahay

tiirka afraad ee qarannimada. Warbaahin madaxbannaan oo firfircooni waxay muhim u tahay tisqaadka qarannimada iyo maamul-wanaagga.

Balse kaalintaa muhiimka ah waxa qaadan kara warbaahin leh mihnad saxaafadeed oo sarraysa, akhlaaqiyaad suubban iyo dheelitirka xogaha iyo wararka. Si loo gaadho hankaa iyo himiladaas, Xisbiga KULMIYE:

1. Waxa uu dhawri doonaa madaxbanaanida saxaafadda Somaliland si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka saxaafadda
JSL.

2. Waxa uu hirgelin doonaa dugsi ama kulliyad saxaafadda lagu

barto iyadoo Jaamacadaha lagu dhiirrigelin doono furista

Kulliyadaha Saxafadda.

3. Waxa uu dhammaystiri doonaa Xeerka Saxaafadda JSL ee qabyada ah, iyada la tashi lala samaynayo waayo-araga iyo rug
caddaaga saxaafadda JSL.

4. Waxa uu suurtagelin doonaa in la abuuro Guddida Heer Qaran ee Anshaxa iyo Maamulka Saxaafadda oo madax banaan.

5. Wuxu suxufiyiinta siinayaa xorriyad buuxda oo ay shaqadooda

suxufinimo ku qabsadaan hannaan waafaqsan dastuurka JSL,

shuruucda saxaafadda ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

6. Waxa uu hubin doonaa in suxufiyiinta la soo eedeeyaa ay caddaalad buuxda oo madaxbannaan helaan iyada oo la raacayo Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka Qaranka.

7. Waxa uu u fududayn doonaa sidii ay bulshada caalamku saxaafadda wax ula qaban lahayd, isla markaana uga mid noqon lahayd ururrada saxaafadda ee caalamiga ah iyo kuwa heer gobol.

8. Waxa uu suxufiyiinta iyo ururrrada saxaafadda ka kaalin doonaa sidii ay u heli lahaayeen fursadaha tababarrada dibedda
iyo deeqaha waxbarasho ee suxufinimo ee caalamiga ah.

9. Waxa uu kor u qaadi doonaa awoodda waxqabad ee ururadasaxaafadda.

10. Waxa uu si gaar u dhiirrigelin doonaa gabdhaha suxufiyiinta ahisaga oo dejin doona barnaamijyo ay ku helaan tababbarro iyo
waayo-aragnimo saxaafadeed.

11. Waxa uu fududayd doonaa qaadashada liisannada ee qaybaha kala duwan ee warbaahinta si waafaqsan shuruucda saxaafadda
dalka.

12. Waxa uu meel marin doonaa nidaam suxufiyiintu ay ku heli karaan aqoonsi suxufinimo si aanay saxaafaddu u noqon mihnad cid wal oo aan xirfad u lahayn si fudud isaga soo gasho

Loading...
Loading...