Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyay In Uu Kajiro Musuqmaasuq

0
Sunday July 31, 2022 - 10:49:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyay In Uu Kajiro Musuqmaasuq

    "taas oo guud ahaanba lacagta ka maqan Garsoorka muddadaas la ciyaaray ay noqonayso $672"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taas oo guud ahaanba lacagta ka maqan Garsoorka muddadaas la ciyaaray ay noqonayso $672"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI  Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa sheegay in xidhiidhka kubada cagta Somaliland uu ka jiro musuqmaasuq.



Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in ilaa hada aan garsoorayaasha kubada cagta ee todobaadkii udambeeyay shaqaynayay aan la siin lacagtii ay xaqa ulahaayeen.

Qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo xoghayuhu ayuu uqoray sidan:-

 

Garsoorka XKCSL ee ka hawl-galay kulamaddii Wareegga Koowaad ee koobka XKCSL (FA Cup-ka), ayaan gebi ahaanba qaadan kharashkii ay kulan walba qaadan jireen, taas oo cadeyn u ah Musuqmaasuqa huursan ee XKCSL ka jira.


Kulamaddii Wareegga Koowaad ee FA Cup-ka oo ka koobna 16 kulan ayaa waxaa Afarta garsoore ay qaadan jireen kulan kasta $45, taas oo guud ahaanba lacagta ka maqan Garsoorka muddadaas la ciyaaray ay noqonayso $672.


Ma odhan karno XKCSL waxa uu u waayey lacagta intaas leeg ee ka maqan Garsoorka, maadaama oo lacago baddan oo Cashuuraha naaddiyada, ciyaartoyda iyo kala iibsigaba ay uga soo xaroodaan, kuwaas oo hab sharci ahayn loo isticmaalo.


Dhanka kale, Wasaaradda Ciyaaraha oo iyadu uruursata lacagta garoonka lagu soo galo ayaa ballan-qaaday inay bixinayso lacagta Garsoorka ka maqan, ilaa imikana wax ay bixisay haba yaraate ma jirto iyada oo ay ka soo wareegtay muddo laba toddobaad ahi.


Tartanka FA Cup-ka oo ah tartan ay muhiim u ahayd in loo helo maal-gelin joogto ah taas oo sannadkii hore Dahabshiil Group ay maal-gelisay, sababta ay sannadkan uga muquurteen ayaa lagu tilmaamay isfaham darro iyo heshiis burin ka timid dhanka XKCSL.


Dhanka kale waxaan si Toos ah (Live Streaming) loo sii deyn labaddii kulan ee la kala ciyaaray Khamiistii iyo Jimcihii, taas oo ay sabab u tahay qalabkii Internetka ee Hargeysa Stadium yaalay oo wax ka xumaadeen. Iyada oo ay maqaalo nagu tahay in haggaajinta qalabkaasna uu Agaasimaha Guud ka meeraysanayo si aan loo oggaan shaqo xumada ay wadaan iyo in lacag uga soo xarooto garoonka si ay dadkii Liveka u daawan jiray ay garoonka uga soo xaadiraan.


Ugu dambeyntii, Xisbigga WADDANI waxa uu ugu baaqaya XKCSL inuu diyaar u yahay guud ahaanba inuu maal-geliyo tartanka Koobka XKCSL (FA Cup-ka), sidoo kalena uu soo celiyo Internetkii Hargeysa Stadium si kulamadda loogu daawado


Live. Ka Xisbi ahaan waxaanu markasta diyaar u nahay inaanu ka qeyb-qaadano horumarinta iyo dhiiri-gelinta dhallinyarada Somaliland."

Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)

Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.

Loading...
Loading...