Degdeggu Waa Wedka Damaca
Maxaan uga jeedaa kelmedahan, maxaase igu kalliifey?
Maxaan u doortay, maxaase laga faa'iidi karaa?
Ma waqtigii ku habboonaabaa, mise inaan dib u dhigo ayay ku fiicnayd?
Dhamaan su'aalahan jawaabohooda waxaad ka helaysaa qoraalkan.
Ma aha been, ma aha malo awaal, ma aha hafar iyo masabid.
Waa xaqiiqo wixii ka soo noqda aan masuuliyaddeeda qaadayo cidina aanay ila wadaagayn qoortana ii Sudhan tahay, diyaarna aan u ahay ciddii goob joog ahayd ee wax ka duwan sheegaysa inaan isla hubsanno.
Akhristayaal anigaa doortay waqtigan inaan wax yar ka qoro mawduucan kooban.
Waxa igu kalliifey waa in aan ogaadey in aan dad badani xog Dhab ah ka Hayn siday wax u dheceen.
Waa iyadoo ay soo baxday in bulsho badan loogu sheegay una rumaysan yihiin si aad uga fog sidii ay wax u dheceen, si xaqiiqda aad uga durugsannna loogu sharraxay, si garawshiiyo xamaasad iyo qiiro ku ladhan tahay loogaga helo damaca degdeggu ku lamaanyahay, taas oo haba yaraatee aan wax marag ah loo helayn, ku talo galna ay ahayd in Mar walba dhina ka mid ah dhinacyadu uu madi ku ahaa madalaha lagu jeexjeexayey geeddi socodka arrintan, ujeeddaduna ay ahayd in waxa uu kooxda uu ku warcelinayaa ay rumaysato waxa uu isagu u sheego oo keliya, maadaama aanay jirin cid ku wehelinaysey goobaha lagu wada hadlayey.
Waxaan u ahaa goob joog iyo xog-ogaal min bar bilow ilaa bar dhamaad.
Waxaan sheegi doonaa markhaatiyaal goob joog ka ahaa dhacdooyinkii dhawrka bilood ahaa ee arrintani socotey.
Wax kale maaha waa wada hadalkii saaxiibkay walaalkay Maxamuud Xaashi Cabdi ina Sareedo Yuusuf Cali iyo xubno ka mid ah masuuliyiin heer xisbi iyo heer xukuumadeedba leh oo ay isku deegaan yihiin.
Maaha sida laga yaabo in dadka qaarkii u qaadan karaan in ay ahayd heer Xukuumadeed, ama heer Xisbi.
Dabcan waa la odhan karaa miyaanay xubnahani xukuumadda iyo xisbigaba masuuliyiintiisa ugu sarraysa ka mid ahayn? Jawaabtu waa Haa laakiin waxay kuwada hadlayeen dhinac deegaan.
Waxa laysa su'aali karaa haddaa maxaa madaxweynaha kulamada qaar soo dhex geliyey.
Waa fududahay jawaabtu, Saaxiibkay Maxamuud waxa uu jeclaa in markii wada hadalku dhexda marayey uu arrinta u duwo xagga madaxweynaha si uu asxaabtiisa ugu qancin karo madaxweynaha ayaa wada hadalku inaga dhexeeyaa, laakiin waxay ahayd arrin laysku fahmayey lagana ilaalinayey in ay leexaato waddada ay ku bilaabantay.
Intaas aan ku dhaafo Hordhac iyo Araar.
La socod wanaagsan bilow aan haba yaraatee wixii xadgudub ah intii awooddayda ah aan ka ilaalinayo.
W/Q- Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga & Barakacayaasha Somaliland
Cabdikariin Maxamed Xinif
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!