Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Kenya

0
Sunday July 31, 2022 - 10:12:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Kenya

    "Sida oo kale doorashadan waxyaabaha sida weyn looga hadal hayo waxaa ka mid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida oo kale doorashadan waxyaabaha sida weyn looga hadal hayo waxaa ka mid"

Kenya oo ka mid ah waddamada ugu dhaqaalaha xooggan ee qaaradda Afrika, ayaa 9-ka bisha Agoosto waxaa la dooranayaa madaxweynihii dalkaasi hoggaamin lahaa shanta sano ee soo socoto. Doorashadan ayaa ku soo aadday xilli dalkan ay ka jiraan sare u kac dhanka maciishadda ah iyo abaaro baahsan kuwaasoo caqabad ku noqon doono cid kasta oo kursiga qabato.



Balse madaxweyne Uhuru Kenyatta oo dhameystay muddo xileedkiisa ayaa iska diiday inuu taageero ku xigeenkiisa oo tartamaya, wuxuuna hadda gadaal ka riixayaa hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.Inta badan doorashooyinkii horay dalka Kenya ugu dhacay waxaa ka dhashay muran iyo eedeymo wax isadabamarinno inay jireen iyo rabshado qabiil salka ku haya oo ay dad badan ku dhinteen. Hase yeeshee, shacabka Kenya ayaa rajeynaya doorashadan iney kuwii hore uga duwanaato.


Musharrixiinta waa kuwee?

Musharraxa madaxweynaha Raila Odingaoo afar jeer oo hore doorashada guul darro kala kulmay ayaa malaha markii ugu dambeysay markan nasiibkiisa tijaabinaya. Ninkan 77 jirka aha ayaa horay ugu soo caan baxay ololayaasha doorashada uu horay u sameeyey.Waxaana kursiga madaxweynah kula tartamayaa madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo 55 jir ah.


Sida oo kale waxaa loollanka doorashada madaxtinnimada Kenya qayb ka ah laba musharrax oo aan aad loo aqooon.


George Wajackoyah ayaa dareenka shacabka soo jiitay kaddib markii uu soo jeediyey beerashada xashiishka marijuana inuu sharciyeynayo iyo in masaska la dhoofiyo.Waxaa sidoo kale tartankan ku jira David Mwaure Waihiga oo ah musharrax madaxweyne ololahiisa doorashada wuxuu halkudhig uga dhigay la dagaallanka musuqmaasuqa.


Muxuu madaxweyne Kenyatta u taageeri waayey ku xigeenkiisa, Ruto?

Siyaasadda Kenya ayaa wajiya badan yeelata. Odinga mar wuxuu ahaa cadawga koobaad ee madaxweyne Uhuru Kenyatta. Cadawtooyada siyaasadeed ee ka dhaxeyso Odinga iyo Uhuru oo 60 sano ka badan soo taagneyd maadaamaa ay aabbayaashoodna sidan siyaasadda ugu loollamayeen.


Balse is gacan qaadkii 2018-kii dhexmaray ayaa sababay inuu Uhuru la safto Odinga isla-markaana uu u ololeeyo. Waxaana sidaa meesha uga baxay xiriirkii aan cagaha badan ku taagneyn ee u dhaxeeyey Ruto iyo Uhuru.


Maxay tahay arrinta ugu weyn ee la isku hayo?

Madaxweyne ku xigeenka xilka madaxweynaha u sharraxan wuxuu ku doodayaa ololaha doorashadiisa halku dhigga koobaad inuu uga dhigay dhaqaalaha.


Sida oo kale doorashadan waxyaabaha sida weyn looga hadal hayo waxaa ka mid ah Musuqmaasuqa iyo Caddaaladda. Waxyaabaha shacabka Kenya aad uga walwalsan yihiin ayaa ah jeebabkooda maran iyo sare u kaca maciishadda oo uga sii dartay.


Ruto oo tajir ah balse ka soo jeeda qoys danyar ah ayaa isu arko inuu yahay nin u taagan dadka saboolka ah. Isaga oo sheegay siyaasaddiisa inuu xoogga ku saarayo wax ka qabashada shaqa la'aanta baahsan ee dhalinyarada haysato.


Wuxuuna Ruto sheegayaa inuu doonayo inuu soo afjaro siyaasaddan dhaxalka ku saleysan ee ay talada dalka qoysas kooban (Kenyaata iyo Odinga) gacanta ugu jirto.Wuxuuna sheegay haddii xilka loo doorto qof kasta oo muwaaddin ah oo dalka Kenya u dhashay inuu bil walba siinayo 6,000 oo shilin oo u dhiganta $50 doolar.


Qabiilku doorashadan door ma ku leeyahay?

Dad badan oo codkooda ka dhiibanaya doorashada Kenya ayaa saadaalinaya doorashadan iney ka dhici karaan iskudhacyo qabiil salka ku hayo iyaga xusuusan wixii ka dhacay doorashooyinkii horay dalkan uga dhacay, sida doorashadi dhacday 2007-dii oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof oo u dagaallamay qaab qabiil.


Doorashada xor iyo xalaal ma noqoneysaa?

Dadka ayaa sidoo kale isha ku haya in guddiga doorashada uu hagaajiyay wixii keenay dhibaatooyinkii dhacay 2017-kii ee sababtay in laga noqdo natiijadii doorashada ee hordhaca ahayd, tirintana codadkana dib loogu noqdo. Muddada lagu helayo natiijada doorashada waxay ku xirnaan doontaa sida uu nidaamkaasi u shaqeeyo, balse habeennimada 9-ka Ogosto natiija kasta waxaa si dhow isha ugu hayn doona wakiillada musharixiinta si loo hubiyo in aan doorashada la khiyaamin.


Doorasha kale miyaa barbar socoto?

Maalinta ay codbixinta doorashada dhaceyso muwaddiniinta dalka Kenya waxay dooranayaan xildhibaannada baarlamaanka, kuwa aqalka senetka, barasaabyada gobollada, iyo xubnaha golaha baarlamaanka gobollada.


Doorashada sideey u dhaceysaa?

Codbixinta doorashada waxay billaabmeysaa 6 subaxnimo xilliga Kenya waxayna soconeysaa 12 saacadood oo xiriir ah, inkasta loo oggolaanayo cid kasta oo saf uga jirta goobaha codbixinta iney codkooda dhiibtaan xataa haddii uu wakhtiga ku dhammaado.


Codbixinta mar haddii la soo gabgabeeyana waxaa horay laga billaabayaa tirinta codadka.

Natiijada doorahshada madaxweynaha xilliga la shaacinayo ma cadda balse guddiga doorashooyinka waxay haystaan toddoba maalmood oo ay natiijada ku shaaciyaan.

 

BBC

Loading...
Loading...