Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Bilaabay Kulamo Uu Ku Qancinayo Xildhibaanada

0
Sunday July 31, 2022 - 10:09:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Bilaabay Kulamo Uu Ku Qancinayo Xildhibaanada

    Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xildhibaanada ka dalbaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xildhibaanada ka dalbaday


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto dowlad Goboleedyada dalka.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaannada laga soo doortay Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii Xildhibaannada ugu qancin lahaa Golaha Wasiirada la soo magacaabayo iyo sidii ay u taageeri lahaayeen.



Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay taageero siiyaan Golaha Wasiirada cusub ee uu maalmaha soo socda soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo wada latashiyadii ugu danbeeyay.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la filayaa in kulamo kale uu la yeesho Xildhibaanada kasoo jeeda maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna kala arrinsan doonaa sidii ay u taageeri lahaayeen Golaha Wasiirada.


Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa maalmo kahor Xidlhibaanada Golaha Shacabka u kordhiyeen waqtiga uu kusoo dhisayo Xukuumaddiisa, waxaana la siiyey 10-maalmood oo oo ku eg aakhirka todobaadkaan.


Loading...
Loading...