Dameerka Iyo Faraskuba, Duunyo Weeye Xoolaad,Gaadiidna Door Kuleh,Dibad Shidaal Ka Doonayn

0
Saturday July 30, 2022 - 11:24:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dameerka Iyo Faraskuba, Duunyo Weeye Xoolaad,Gaadiidna Door Kuleh,Dibad Shidaal Ka Doonayn

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]


Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.



 

Dunidi kala dhaqaaqdo,Dalkastaba gaarkiis,


Dibad wuxu dhoofshiyo,Diid wixii u dirijiray,


Daaha laysu rogayo,Dekekedi la kala xidhay,


Daabad ruuxa haystaa,Daasado iyo caagado,


Dusha kolu ka saaru,Dooxyada u dhaansado,


Daldheer gaadhimaye,Dameer xoolo weeyo,


Doonimayo shidaal,Laandarofar uga wacan,


Dulundulceye wuu tegi,Kiyoon degdegahayn,


Dalal baanu gadiid,Daabaduu tagsi u yahaye,


Derisyadeena qaarkood,Danbilba ku  xidhano,


Dal dhaweeye weeyaan,Doonahayna baasiin,


Faras jiida aqal dedan,Duliyo hoos sharaxano,


Daan iyo ilaa daan,dadkeenu raaxo helayaanoy,


Daad guraynta lagu raro,Dalkenu somamarino,


Dushun baynu kaga nimid,Xaragada dulsaarko,


Dawlado kale waxoodiyo,Ku dekeeynay baabuur,


Danaheena ma ogoline,Danise inoo run sheegto,


Dunidaaba kala xidhane,Duunyadii wixii hadhay,


Dalaga iyo beeraha,Dihineey ciidan hooyiyo,


Daajinta iyo qodashada,Dib ma loogu laabtaa,


Dunidaan la simanayo,Deeqi waa shidaalkiiye,


Daakhilkiyo duleedada,Dacalada magaalada,


Dal dhaweeye way noqone,Danyartu wax tariyo,


Dabooli baahidoode, Dameerahiyo, Farasyadaba,


Doondoona waxa nool,Dib ha loo jareeyee.


               Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...