Madaxdeenu waa Gun Xul ah!.

0
Saturday July 30, 2022 - 11:22:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdeenu waa Gun Xul ah!.

    W/Q: Fu'ad Fartaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'ad Fartaag

Qormo qoraalkan waa mid marag kac iyo rayi cudayn u ah Qoraalkii uu Qoray Mudane Cabdinaasir Axmed Abraham, ee kusoo baxday Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com Sabtidii 23/07/2022.

 

Cabdinaasirow Run ahaan arrimaha aad sheegtay waa wax jira oo aan kuugu marag kacaayo, waana masiibo inagu habsatay se aanay dhaadaheen dadkeena in badani, Illaaheena weyn ee weligii Jirraha ee keligii Joogaha ah ayaa inagu war geliyey "in aanu Qoomiyadna ama Cid ama Ummad Doorin illaa ay iyagu isdooriyaan oo is Dhallan-geddiyaan ama Dhallad-gaddoomaan mooyaane".

 

Cabdinaasirow maanta ummaddeena waxa hormood u ah oo horkaca Damiirlaawe, Doqon iyo Mid liita, waxan ay siyaasada leeyihiin dhankaasi waa meesha afweynta goosatay, oo caada qaate iyo wax ma xeeriye aqnaan ah ayaa meel walba wada Dhooban, oo xaalkeedu waa sida aad sheegtay.

 

Dhanka dhaqanka soo jireenka ah ayeynu ka dihnayn oo ka noolayn se waxa la moodaa dhaqanka qudhiisii in xumihii saaqay oo gocoro is wada cummaamaddeen mallafsi u qammaamay.

 

Dhanka Culimada qudheeda isbedel baa ku yimi Diinta waxyeelo ku ah, waddankii waxa ku yimi isbedel qaabkii guurka hablaha loo kala doonan jiray, halkii hablaha guryahooda lagu kala guddoomi jiray laguna meherin jiray, hada waxa lagu Kala guddoomaa laguna meheriyaa Masaajido!, taas oo ka yeeshay in masaajidadii Illaahay goobo reero ku magacaaban yihiin noqdeen, oo la odhanaayo beri inantii hebel dhalay baynu bixinaynaaye waa inoo masaajidkeenii oo ka dhigan waa inoo masaajidkii reerka!, markaasaad  arkaysaa ruux aan Masaajidka Illaahay, caabudaada Illaahay weligii Shanta wakhti u gelin, se Noodhkan yar ee lacagta gabaatiga ah, ee lagu qaybsanaayo ayuu Masaajidka Illaahay u geleyaa, oo weliba waxa loo dhiibo haduu qawado waxba kuma aha in uu Illaahay aflagaadeeyo isaga oo hoygii lagu caabudaayey ku sugan, runtiina wey dhacdaaba oo waad arkaysaa dad aduun isku dhex baacsanaaya masaajidada dhexdooda marka hablaha lagu bixiyo oo waxa ay noqotay wax caaddi ka ah Ummada dhexdooda in masaajidada dhexdooda reeruhu ku dhex kaftamaan!, Masaajidyada waxa kusoo kordhay oo kale in Masaajid walba safka hore uu leeyahay saxaarad ku dhidban si dhabarka loo saaro oo loogu tiirsado, waxaana loogu talogalay Coomirada iyo ruuxa reerka ah ee dhabarka inuu dhiibiyo u baahan, hadii safkaa aad gasho, asse aadan ahayn reerka Masaajidka dhisay Runtii indhaha ayaa lagugu gubayaa iyada oo aan lagaa gabanahayn ayaa layskaa weydiinayaa!, Masaajidyada marka laga tago ganacsi iyo aduunyo ayaa loo Faytay oo loo xusulo duubanyahay oo loo Tafo xaytay, Maxaa yeelay dhaqaalaha Dalku gacanta wadaadada ayuu ku jiraa oo ganacsiga iyo waxbarashada ama iskuulaadka iyagaa wada taabay, "Waddaadadu Beerka xaydha leh wey Cunaana Illaahay maad ka yaabtaan oo nasiisan" Hadmaa laga tegay warkaa!.

 

Qorraal iyo dhamaan Cabdinaasirrow Xukuumadii iyo Laamihii dawladu waa sidaad sheegtay, madaxdii dhaqankuna lama calleemo saaro ee iyagaa is Cummaamada, Culimadiina aduunbay suraawiishii u fayteen oo maal aduunyo ayey u tafo-xaydan yihiin, dhankastoo la eego waxna sidii lagu yiqiin maaha!, odayadii iyo sheekhyadii marka ay dhacarato weedha kala masuudi jirinna, badankoodii way wada hoydeyn oo godgale Illaahay haw naxariistee  Cawil khayr qabana Alle haynaga siiyo, hana ina weydaariyo wax la sixi karo maaha Duuf-laal iyo Madaxdii Gun ahiye.

 

Fuad Fartaag.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...