Grand Ethiopian Renaissance Dam

0
Saturday July 30, 2022 - 11:03:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Grand Ethiopian Renaissance Dam

    W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan.

Biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD oo hore loo yiqiin Biyo xidheenka Millennium-ka oo mararka qaarkood loo yaqaan Hidase Dam, waa biyo-xidheenka cuf-isjiidadka ee ku yaal webiga Niilka Buluuga ah ee dalka Itoobiya oo dhismihiisu socday ilaa 2011. Biyo-xidheenka ayaa ku yaal Gobolka Benishangul-Gumuz ee Itoobiya, qiyaastii 45 km (28 mi) bari ka xigta xadka Suudaan.

 

Ujeedada koobaad ee biyo xidheenka ayaa ah wax soo saarka korontada si loo yareeyo tamarta daran ee Itoobiya iyo dhoofinta korontada ee wadamada deriska ah. Iyada oo la qorsheeyay in la rakibo 5.15 gigawatts, biyo-xireenka ayaa noqon doona warshadda koronto ee ugu weyn Afrika marka la dhammeeyo, iyo sidoo kale 20 ka ugu weyn adduunka.

 

Buuxinta kaydka biyaha ayaa bilaabmay bishii Luulyo 2020. Waxay qaadan doontaa inta u dhaxaysa 4 iyo 7 sano in lagu buuxiyo biyo, iyadoo ku xidhan xaaladaha biyo-biyoodka inta lagu jiro xilliga buuxinta. Wajigii labaad ee buuxinta ayaa la dhameeyay 19kii Luulyo 2021, iyada oo aan la helin heshiis Masar iyo Suudaan.

 

20kii Febraayo 2022, Biyo-xireenku wuxuu soo saaray koronto markii ugu horreysay, isagoo ku keenay koronto dhan 375 MW.



Bisha September e sanadkan 2022 ayaa wajiga saddexaad e biyo xidheenka la buuxinayaa iyada o aan hashiis lagu ahayn isla markaasan aanu jirin wada xajood iyo wada hadal diplomaciyadeed oo u dhaxeeya bahwadaagta iyo saamilayda wabiga nile e dawladaha Masar , Ethiopia iyo Sudan.


Waa maxay faa”idida biyo xidheen kan wayn?

Faa’idada biyo xidheenka Ethiopia waxa aan kusoo koobi doona sidan hoose:

Waa mashruuc wayn o dhaqaale isla markaana ku fadhiya micno wayn o siyaasadeed iyo dhaqalaba waxa uuna tusaale u noqon doona in geeska Africa yahay goob laga hirgalin karo mashariic waawayn isla markaana lagu aamini karo lacago badan.


Ethiopia waxa ay ka heli doontaa laydh jaban o sidi marki hore ka jaban isla markaana ku shaqenaya biyo qul-qulaya o dhaam ku jira isla markaana laga faa”iday.


Waxa mashruuca laydhka la gaadhsiin doona dawladaha gobolka geeska Africa sida Somaliland , Somalia , jabuuti , Kenya iyo qaar kale xataa wa suurta gal in u gaadho gobolka khaliijka gaar ahaan UAE iyo yemen.

Ethiopia hadi ay ku gulaysto buuxinta dhaamka waxa ay u tahay guul diplomaciyadeed o waxa ay ka adkanaysaa dawladihi ay is hayeen e masar iyo suudan.


Kaliya Ethiopia uun dhaqaale soo galin mayo o xataa dalalka u mashruuca laydhku gaadho waxa soo galayaa shaqo  abuur iyo dhaqaale badan iyada oo la qiyaasayo shaqoyinka u abuurayo in ay gadhaan 12000 o shaqo o toos ah iyo kuwa aan toos ahayn.

 

Khasaraha biyo xidheenka ?

Hadii aanay dawlada Ethiopia la hashiin dawladaha masar iyo suudan o ah kuwa faa”ido badan ku qaba wabiga niil oo ah mid dhaqaale iyo shaqooyin badan soo galiya dadka masaridaha ah waxa u keeni karayaa in ay gabagisuba la duqeeyo o loo adeegsado diyarado aan duuliye wadin isla markaana mashruucaas hanka laga lahaa e 6 Billion o Doller ku baxday u noqdo wakhti yar gudahii hal bacaad lagu lisay wallow biyo xidheenka laftarkiisu u leeyahay saanad ciidan iyo qalab kuwada xidhan dhamaan o ah lidka diyaradaha hadana weerar uma adkaysan karo kaga yimaada dawladda masar o ah dawlad millitry ahaan dhisan iyo diplomaciyad ahaan ba.

 

Yaa maal galiyay Grand Ethiopian Renaissance Dam

Waxa maal galiyay dhaamka cidan soo socota:

Shacabka Ethiopia iyo dawladda Ethiopia

USA

CHINA

UAE

Saamilay badan o shirkado dhisme iyo shirkado laydh iyo shakhsiyaad caadiya o ka qayb qaatay isla markaana saamiyo waawayn ku leh.

 

Waa miino mudaysan.

 

Hadii xaalku sidan kusii socdo oo Ethiopia aanay galin wada xajood biyo xidheenka Ethiopia waxa u noqonayaa miino mudaysan o ku qaraxda gobolka geeska Africa  isla markaana keena cawaaqib xumo iyo dagaala raga o u dhaxeya dawladaha masar iyo Ethiopia isla markaana keena dagaal hawada sare ah ( SPACE War ) o halkaas hubka noocyadisa kala duwan laysu adeegsado maadama aanay labada dal waa Ethiopia iyo masar ee aanay lahayn wax xuduud ah waxa kale o bilaabmi kara dagaal xawaladeed si too s ah loo keeno gobolka geeska Africa maadama ay masar tahay dal awood dhaqaale iyo millitry ba leh isla markaana ay Ethiopia ay iska hor imaad ka bilaabmo.


Waxa kale o dhici kara in dawladaha gobolka geeska Africa iyaga qudhooda laysku garaaco o laysu adeegsado.

Waxa iman doona in ay masar ka furato saldhigyo millitry gobolka gaar ahaan dawladaha xuduudka la wadaaga Ethiopia.


Sudan sido kale waxa ay soo qaadi doontaa dagaal toos ah o ay Ethiopia la gasho isla markaana aan bar dhamaad lahayn dagaalkaas o khasaare badan sababa.


Ethiopia sido kale waxa ay samayn doonta wax iska caabin iyo wax iska celin iyada o kaashan doonta the Great power ka dunida ugu wayn as diplomacy ahaan.


Si kastaba ha ahaate soft diplomacy iyo hard diplomacy ba waa laysku wajihi doona sida u xaalku u muuqdo isla markaana arinta biyo xidheen kani waa miino mudaysan o mar walba qarxi garta iyada o khilaafki dib usoo laba kacleeyay maadama ay Ethiopia dhaamka buuxinayso wada hadal la”aan.


Masar maxaa ka xanaajiyay?

Masar o ah dal Africa iyo bariga dhaxe iyo dunidaba samayn ku leh isla markaana leh awood millitry o aad u xogan o sanadkan 2022 kaga jiirta kaalinta 12aad kala saraynta ciidamada millitry e dunida isla markaana leh dhaqaale iyo shacab badan oo  aqoon iyo xadarad badan arinta ka cadhaysiisay waxa weeye in hadii dhaamkas Ethiopia buuxiso in dadkeeda o wabiga nile ka dhiniciisa wax ku beerta isla markaana noloshada kala soo baxa ay shaqo waayid iyo faqri aad iyo aad u daran ay wajihi doonan dadkaasi malayin qof kor u dhafaya ilaa 40 million ayuu samayn ku yeelan doona o ah shacabka masaarida iyo Sudanese kaba  sidaa daradeed si looga hortago faqrigaas iyo shaqo laa”aantaas masar iyo suudan waxaa ku wajib ah in ay sameeyaan talaabo kasta o xidhaysa wabiga nile.


UK ayaa waagi goomaystaha siisay o ku programisay in ay masar leedahay wabiga nile ka sidaa daradeed masar waxa ay xaq u aragtaa in ay kaligeed leedahay wabiga nile ka faa”idadiisa iyo jaan goynta maamulka wabiga.

 

Maxaa la gudboon Dawladaha somalida iyo shacab koodaba?

Dawladaha somalida e kala ah dawladda Somaliland , Somalia iyo jabuuti iyo guud ahaan shacabka soomalida waxaa la gudboon in ay arintan dhex ka noqdaan maadama ay somalida 2 dhinacba dan kaga xidhan tahay o ay u bahan yihiin masar iyo Ethiopia halka kaliya arinta ay ka gali karaana waa in ay ahaata dhax dhaxadin wada hadal is qancin iyo in miiska la wada fadhiisto o lays qanciyo arintana si nabad ah lagu dhameeyo.


Gaba Gabo.

Iyada o ay jirto baahi wayn oo lo qabo biyo xidheenka hadana waxa jirta in u abuurayo faqri iyo shaqo la”aan iyo xasarad dagaal o aan bar dhamaad lahayn mar kastana waxa wacan in la wada hadlo o lays qanciyo meelna wax laysla dhigo insha allah wixi soo kordha waan la socon doona.


Mahadsanidiin Dhamantiin

Mohamed Aden Hassan

Contact: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...