Bararsixirka Baahiyo, Busaaradiyo Abaaraha, Baahidaada Ma'ogyahay, Boolicune Dhergaya.

0
Saturday July 30, 2022 - 10:56:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bararsixirka Baahiyo, Busaaradiyo Abaaraha, Baahidaada Ma'ogyahay, Boolicune Dhergaya.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]


TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.



 

BALIYAAL XAREEDIYO,DURDURADO BURQANAYIYO,


BARWAAQO RUUXA JOOGA,BEENEEYO ABAARAHA,


BILAASH BAY LA TAHAYO,BARORDIIQNA UMA DIRO,


BUSAARADA IYO GAAJADAN,BARIINSADAY DADKEENII,


BUUQUNA U DHEER YAYAY,BUKAAN KAAR LEH WEEYE,


BOQORKOW ALLAHAYOW{SWT}BARYO KAAMA DEYNE,


BADBAADSHOOWNA BIXIYO,BELADOODA NAGA QABO,


BAAHIDAYADA OGSOONIDO,UMANA BAAHNID SHEEKE,


BIRTA DHICIS MA SUGI KARO,HORTEEDBU BAKHTIYAYA,


BAANISAHA IYO MURANKU,BADHEEDHAHA SIYAASIGU,


BAALOXOFTO IYO BEENI,BIGAYS NOO CADAYN MAYSO,


BARAARUGE HADDEERTO,WAY BARTEEN DADWEYNUU,


BEENEEY RUNTAA IMANO,BARBARIIQADKAA BADANE,


BARWAAQO WEEYE NABADUYE,BULSHADAW DANEYO,


BIGIL IBLAYS IDIIN TUMAYNA,DADKAYAANU BARAKICIN,


BAAHINAH WARKIINANA,BASARKA IYO XISHOOD DIRA,


BAABA MAALN KUMA DHACO,BAAQIBA WAX NOQONO,


BADH BAL REEBTA TABASHADA,KALA BAADI MAYSOO,


BERITA DANBAYSOON,BARIIDO LAYSLA DHAAFAYNE.


BISMILAYSTA KHAYRKA,BUDDHIGIISU NABAD YAHAY.


                             ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...