Xukuumadda Muse Iyo Kulmiye Dhaqankii Reer Somaliland Lahaayeen Bay Burburinaysaa.
Dad badan oo maangaaba oo siyaasadda sanka ka fuulay ayaa moodaya waxa Somaliland imika ka socda in Mucaarad iyo muxaafad iyo reer hebel iyo reer hebel la isku hayo. Arinku sidaas maaha ee DHAQAN KII IYO DIINTII AYAA MAALIN WALBA MID LA MASAXAYAA OO SHARCIGAA DHIGATEEN AYAA DOLLAR HORTIINA LAGU KALA IIBSADAA OO DIL QORSHAYSAN, GACAN SAAR DUMAR, KUFSI, MAANDOORIYE, KHAMRI, OROMO IYO XABASHI IYO HOGAAMIYE HORTIINA KA MA QABSOOMO LEH ANIGU IYO MAXKAMAD CARUURA LOO DHIIBTO.
Waxaa maalin kasta muuqda waxaan reer Somaliland u DHAQAN iyo Diin u ahayn oo subax kasta bulshada hor Imanayaa oo yaaba Madaxweyne been cad sheegayaa wasiir been cad sheegayaa, qof la dilay oo la leedahay wuu is dilay, qof DUMARA oo Madaxa ama aan ahayn oo suuqa lagu dhex garaacayo. Mayd maxaa u DAMBEEYEY iyo kaa la sii sido. MARWADII SAFIIRKA FINLAND MARWO SAMIA O. H. MUSE OOWEFDIYA OO XUKUUMADDII IYO WADANKAY U SHAQAYNAYSAY SUUQA LAGU DHEX GARAACAYO IYADOO WELIBA KASOO JEEDDA MOXAMED X. IBRAHIM CIGAAL WAA XUKUUMADDA OO TUSAYSAA UMMADDA IN DHAQANKII IYO DIINTII WAX LAGA BEDELAYO WIXII LAGU KALA BIXI JIRAY OO DHAN IN LAGA GUURE, GAALADU SIDAASAA RABTAA, MADAX KU SHEEGTIINA WAX KU SIKHRAANTAY CASHUURTII YARAYD AY DADKA KA GURAYSAY.
XUKUUMADDA MUSE BIIXI (HUMAN CAPITAL) KA Waxba kama taqaane. Marwo Samiya Muse waxay ka soo jeeddaa caailad diplomacy ah Aabeheed Safaaradda kuwait buu AHAA. Kuwait Bay ku dhalatay oo wax ku barataY illaa heer Jaamacadeed, Finland Bay wax ku baratay oo DAWLADDA Finland u shaqaysay oo la shaqaysay in badan waqtiyadan dambe Safiir firfircoon oo wadanka wufuud keena oo maal gelin raadiya Bay ahayd. Afar af Bay ku hadashaa Arabic, English, Finish iyo AFSOMAALI, waa dadka wasaaratul khaarajiga LOOGA BAAHANYEY ee Somaliland Dunida ka dhaadhicin waa human capital ka dhabta ah ee fara ku tiriska ah aynu haysano wuxuu Muse Biixi Urursaday Xinnif, BUUNI, Cabdillahi Aboker. Safiir Samiya OMER H. MUSE na suuqa Hargeysa a iyadoo wafti wadda Suuqaa lagu dhex garaacayaa XUKUUMADDA MUSE BIIXI WAA DHAQAN BI IS IYO DHAQAN BEDEL UMMADDA KU SOCDA, MEEL DHEER BAA
LAGA DOONI HADDAAN MAANTA XUKUUMADDA MUSE LA QAbAN.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!