Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Colaadda Itoobiya

0
Saturday July 30, 2022 - 08:55:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Colaadda Itoobiya

    "Dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF labadaba waxay horay u shegeen shruudo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF labadaba waxay horay u shegeen shruudo"

Mareykanka ayaa sheegay iney billaabmayaan wadahadallo nabadeed o dhexmaraya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Fallaagada TPLF oo muddooyinkii u dambeeyey ku dagaallamayey waqooyiga dalka Itoobiya.



Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay wadahadallada nabadeed oo dhexmarayo labada dhinac iney billaabmayaan doorashada Kenya kaddib.


Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay Moli Fi oo ka mid ah saraakiisha sare oo Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika waxay sheegtay dowladda Kenya oo door muhiim ah ku leh xal u helidda colaadda waqooyiga Itoobiya ka taagan horraanta bisha August waxay martigeineysaa wadaxaajoodyadii ugu horreeyey oo labada dhinac dhex mara.


Dalka Kenya oo iisu diyaarinayo doorashada guud oo 9-ka bisha August ka dhaceyso wuxuu ka mid ahaa dalalka dadaalka xooggan ugu jiray dhexdhexaadinta labada dhinac uu dagaalka dhiigga badan ku daatay ku dhexmaray waqooyiga dalka Itoobiya.


Mareykanka, Midowga Africa iyo Kenya waxay wadeen dadaallo isbarkan ay ku doonayeen iney ku joojiyaan dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka qarxay ku dhawaad 20 bilood ka hor.


Labada dhinac ee ay colaadda u dhaxeeysa waxay horay u sheegeen iney doonayan iney wadahadallo ay dagaalka ku soo afjarayaan iney yeeshaan.


Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday inkasta oo uu u muuqda mid yara istaagay haddana ma jiraan wax tallaabba ah oo labada dhinacba ay u qaadeen xal u helidda colaaddaasi.


Dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF labadaba waxay horay u shegeen shruudo ay isku xireen in wadahadal fool ka fool ah ay yeeshaan.


Bilooyin ka horna waxay gaareen xabbad joojin labada dhinacba ay oggolaaden oo ay uga gol leeyihiin gargaar bani aadanimo si loo gaarsiiyo deegaanka Tigraay oo ay macluusha soo food saartay.


Dagaalkaasi oo marki hore ka soo billaawday gudaha deegaanka Tigraay marki dambana u sii ballaartay deegaannada Amxaarada iyo Cafarta oo deriska la ah gobolka Tigraay.


Hoggaamiyaha Fallaagada TPLF Debresion Gabre-Mikael oo toddobaadkana saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay wadahadallada ay dowladda dhexe ee Itoobiya la galayaan in loo diyaariyey shuruudo iyo wakhtiga lagu qabanayo wada hadalladaasi.


Shruuudaha ay TPLF wadahadallada ku xirtay waxaa ka mid ah adeegyadii aasaasiga ahaa ee la joojiyey dagaalka ka hor in dhammaantood dib loo billaabo, haddii ay taa dhici weydana ay dagaalka dib u billaabayaan.


Khamiistina la taliyaha Amniga ee Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen iyo wasiirka caddaaladda Gediyon Timotiyos oo la kulmay wakiillada midowga Yurub iyo diblumasiyiinta reer galbedka uu fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa waxay sheegeen iney diyaar u yihiin shuruud la’aan xilli kasta iyo goob kasta iney TPLF wadahadal kula galayaan.


Dowladda Itoobiya oo marki ugu horreysay tani iyo marki uu billaawday dagaalka TPLF oggolaatay koox diblumaasiyiin ah iney booqasha ku tagaan caasimadda gobolka Tigraay ee Maqale.


Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xukumadda Addis Ababa cadaadis ku saarayey in dagaalka la joojiyo si degdeg ahna wadahadallo nabadeed loo billaabo.


Maamulka Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuu dib u eegis uu ku sameynayo sidi loo dabcin lahaa cadaadiska horay loo saaray Addis Ababa oo ay ka mid ahaayeen xayiraadda ganacsiga iyo socdaalka.


Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo fallagada TPLF waxaa ku dhintay kumannaan qof halka malaayiin qofna ay ku barakaceen.

 

BBC

Loading...
Loading...