Ciidamada Dab Damiska Oo Ka Hadlay Dab Qabsaday Guri Ku Yaal Hargaysa

0
Friday July 29, 2022 - 20:11:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dab Damiska Oo Ka Hadlay Dab Qabsaday Guri Ku Yaal Hargaysa

    "Sidoo kale saraakiisha iyo ciidankii hawlgalkaa fulinyay ayaa…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale saraakiisha iyo ciidankii hawlgalkaa fulinyay ayaa…"

Dab weyn oo Qabsaday Guri ku yaala xaafada Xero-awr ee magaalada Hargeysa ayaa ciidamada Dab-demiska caasimada Hargeysa ku guuleysteen inay xakameeyaan dabkaas.



Dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ku fidiyay guryihii kale ee ka dhawaa goobtaas, waxaana ciidamadu dabkaa ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay.


Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ahaa, sababta dabkaa dhalisayna waxaa gacanta ku haya ciidanka Baadhista ee Booliska.


Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa goobjoog ahaa, ciidamadana ku hogaaminayay daminta dabkaas, iyadoo taliyuhu aanu marnaba ka dhex bixin intii hawlgalku socday. Sidoo kale saraakiisha iyo ciidankii hawlgalkaa fulinyay ayaa iyaguna dhankooda sameeyay naf-hur.


Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay buuqa, rabshada iyo shaqo is hortaaga ka daayaan goobaha dabka laga daminayo, ama hawlgalada kale ka socdaan, taasoo caqabad ku noqota in ciidanku shaqadiisa si habsami leh u qabsadaan.


[email protected]

Cabdiwahaab Toox

990 Emergency Service

Loading...
Loading...