Musharax CIRO Oo Ilaahay Ka Baryay In Uu Maamul Xumada Somaliland Ka Dulqaado

0
Friday July 29, 2022 - 19:55:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax CIRO Oo Ilaahay Ka Baryay In Uu Maamul Xumada Somaliland Ka Dulqaado

    " isla markaana ha innaga dul-qaado abaarta, maamul xumada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" isla markaana ha innaga dul-qaado abaarta, maamul xumada"

Hambalyo Sanadka Cusub



Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka sarre ee xisbiga, fulinta xisbiga, garabbada haweenka iyo dhallinyarada xisbiga, Guddoomiyayaasha Gobolada Xisbiga, Laamaha dibadda iyo dhammaan taageerayaasha Xisbiga, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Hijriyada 1444 awgii uu Hambalyo, u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbi weynaha Somaliland Meel kasta oo ay daafaha dunida ka Joogaan.


"Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shucuubta Muslimiinta gaar ahaanna Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba Munaasibadda curashada sannadka cusub ee Hijriyada Islaamka - H-1444ka. Munaasibadda Curashada sannadka cusub awgii, waxa aan Ilaahay weydiisaneynaa in uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo midnimo, wadajir, barwaaqo iyo bashbash, isla markaana ha innaga dul-qaado abaarta, maamul xumada, iyo aafooyinkii bani aadamku sababay,” ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro


Sida oo kale Musharraxu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diraya Ciidamada Qalabka sida ee JSL iyo qoysaskooda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee ummadda Somaliland waxaanu Illaahay uga baryayaa in uu sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo baadhaadhe nololeed, horumar iyo wada jir, islamarkaana inta dhibaataysan iyo inta xanuunsaysa Illaahay dhibta ka dulqaado oo wanaag iyo caafimaad ugu bedelo.


Sannad wacan oo wanaagsan 1444

   Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Loading...
Loading...