CIRO Iyo Muuse Biixi Oo Looga Yeedhay Itoobiya & Sababta

0
Thursday July 28, 2022 - 21:51:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIRO Iyo Muuse Biixi Oo Looga Yeedhay Itoobiya & Sababta

    Wararku Ma Xaqiijin In Dawlada Itoobiya Ay Martiqaad U Fidiyey Faysal Cali Waraabe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararku Ma Xaqiijin In Dawlada Itoobiya Ay Martiqaad U Fidiyey Faysal Cali Waraabe.

Hargaysa (HWN) Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta safar ugu baxay dalka Itoobiya.

 

wararka ayaa sheegaya in Musharax Cirro oo martiqaad rasmi ah ka helay dawlada Itoobiya uu kulan  Wasiir Ridwaan Xuseen oo ah wasiirka iyo la taliyaha amniga qaranka ee Itoobiya.

 

Musharax Cirro oo sabtida ku soo noqon doona Hargeysa ayaa kulamada uu la qaadan doono madaxda Itoobiya ay wararku sheegayaan  inay la xidhiidhaan khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland.

 

ka dib Marka uu Musharax Cirro ka soo laabto Addis Ababa waxa u waydaaran doona Muuse Biixi oo isaguna martiqaad ka haysta Addis Ababa, Wasiir Ridwaan Xuseen ayaa la filayaa  inuu kala hadli doono arimaha doorashooyinka iyo khilaafka siyaasiga ah ee ka jira Somaliland.

 

wararku ma xaqiijin in dawlada Itoobiya ay  martiqaad u fidiyey gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Sidoo kale wararku waxay xaqiijiyeen in raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland u magacaabay inuu wakiil uga noqdo Wasiir Ridwaan Xuseen ahna la taliyihiisa amniga qaranka ee Itoobiya.



Safarkan uu ku baxay Musharax CIRO ayaa ku soo beegmaya xili xisbiyada Mucaaradku ay sheegeen inay qabanayaan Mudaharaad ay markii hore Baajiyeen.

Loading...
Loading...