Waa Maxay Talada Daahir Riyaale Usoo Jeediyay Xukuumada Iyo Xisbiyada

0
Monday July 25, 2022 - 09:12:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Talada Daahir Riyaale Usoo Jeediyay Xukuumada Iyo Xisbiyada

    "Haddii aad murantaan waad fashilmaysaan, balse haddii aad wada hadashaan…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii aad murantaan waad fashilmaysaan, balse haddii aad wada hadashaan…"

Casuumad lagu maamuusay oo loo sameeyay madaxweynihii hore ee Somalioland mudane  Daahir Rayaale Kaahin, oo uu ku maamuusay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibril, isla markaana ay ka soo qayb galeen, haldoorka siyaasiyiinta Somaliland, guddoomiyaha golaha wakiillada, guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka, iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin.

 

Daahir Rayaale ayaa xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ugu baaqay in khilaafka sharci eek a dhashay arrimaha doorashooyinka lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul.

 

Sidoo kale waxa uu ILLAAHEY ka baryay in raxmaadkiisa uu dadka u shubo oo abaaraha daba dheeraaday ka soo jabiyo.

 

waxaanu yidhi."ILLAAHEY abaaraha ina haysta haynaga soo jabiyo, khilaafkuna waxba inoo tarimaayo ee hala wada hadlo, heshiisna hala gaadho, oo taladeenu heshiis ha noqoto.

 

Haddii aad murantaan waad fashilmaysaan, balse haddii aad wada hadashaan oo heshiisna aad gaadhaan guulbaad gaadhaysaan, waxaan rajjaynayaa arrimaha taagan in ay heshiis ku dhammaadaan,”


Loading...
Loading...