Doorka Ay Dumarka Soomaaliyeed Ku Leeyihiin Mareykanka

0
Friday March 08, 2019 - 16:45:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Ay Dumarka Soomaaliyeed Ku Leeyihiin Mareykanka

    Dalka Maraykanka haweenka Soomaaliyeed, waa laf dhabarta bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Maraykanka haweenka Soomaaliyeed, waa laf dhabarta bulshada.

Waxayna dhiggood uga horreeyaan dhan walba, hadday aqoon tahay, hadday siyaasad tahay iyo hadday ganacsi tahayba.



Soomaalida maraykanka waxa la oddorasaa in ay leeyihiin in ka badan 650 ganacsi, 80% ganacsiyadaa cidda lahaanshahoodi lehi waa haween. Sida oo kale tirada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka qalin beddesha cidda ugu badan ee ka baxdaa waa hablo soomaaliyeed, kolka loo eego wiilasha.


Dhanka siyaasadda, kolka la soo qaadana waaba hormuud, waxaana iftiin u ah Ilhaan Cumar iyo Hodan Xasan oo siday u kala horreeyaan ku kala jira aqalka Congress-ka maraykanka iyo baarlamaanka Minasoota. Waxayna Soomaalida u soo jiideen sharaf iyo sarreyn ay dareemaan, kolka qoomiyadaha kale ee dhiggood ah ag joogaan.


Hodan xasan, oo ka tirsan aqalka hoose ee Minasoota oo BBC-da la hadashay, mar ay sharraxaysay doorka haweenka waxa ay tidhi: " Haweenka Soomaaliyeed ee maraykanka degga siyaasadda horumar badanayay siyaadadda ka gaadheen, waxaana ku caddaynaysa inta la doortay mooyeene inta kale dumar dhallinyaro ah ee Soomaaliyeed eee ka shaqeeya xafiis siyaasad lasoo doortay ama siyaasadda u ololeeya, taasi waxay ka dhigan tahay inay ku baraarugsan yihin muhiimadda siyaasadda iyo inay soo dhacsadaan qaybtii ay ku lahaayeeen hoggaanka ummadda"


In ay siyaasadda meel fiican ka gaadheen haweenka Soomaaliyeed kama dhigna inay dayaceen masuuliyaddii qoyska. Mar kale haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Maraynkanku waa udub dhexaadka qoyskooda.


"Haweenku guriga ayay joogaan waxa ay ka fekerayaan dhaqaalihii, nabaddii, deriskii la degganaa, waxaas oo dhan waxay ka turjumayaan inaad xaal ogaato cidda aad metesho" sidaas waxa BBC-da u sheegtay Fartuun Weli, oo ah Madaxa ururka Haweenka ee Isurroon.


"haddaad u fiirstid haweenka soomaaliyeed ee Minasoota joogta, inta ugu badan iyagaa reerka ilmihii waxbarashada geynaya. Haddana waxay aad uga shaqeeyaan inay ka baxaan guryaha dawladdu ku quudiso oo ay iyagu yeeshaan guryo u gaar ah" Fartuun weli ayaa mar kale sidaa sheegtay


Sources: BBC Somali

Loading...
Loading...