'' Kaftanka maanta , jaadadka muxaafidiinta '' .

0
Thursday June 06, 2019 - 09:25:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka maanta , jaadadka muxaafidiinta '' .

    Muxaafidka maantu wuxuu u qaybsamaa todobaa jaad , oo kala ah ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxaafidka maantu wuxuu u qaybsamaa todobaa jaad , oo kala ah ,

Jiif oo jaq , waa koox xanjo meel uun ugu dhegan tahay oo kormeera baraha bulshada ,waxaana la dhahaa jiif oo jaq .


Joog oo jaq , waa koox ka tirsan hawl-wadeenadda iyo saraakiisha xilalka haysa , kuwaasoo maraqa muufadu isugu jirto .



Jiidoo jaq , waa koox iyagu danley ah oo mashaariic iyo shaxaad kale waxay helaanba marmar wax soo gaadhaan , kuwaas na waxaa la dhahaa jiidoo jaq .


Jiidhoo jaq , waa koox miidayaha ka qaylisa oo marka ay waxoogaa buuqaanba ku qadhaab doonta sidaan u jiidhay ma arkaysay kuwaasna waxaa la dhahaa jiidh oo jaq .


Jamoo jaq , kooxdani waa koox mucaashiqiina , oo muxubo awgeed iska qiiraysan sidaa darteed waxa la dhahaa jamoo jaq .


Jaboo jaq , kooxdanina waa koox ku guuldaraysatay in ay meelnaba kasoo galaan xukuumadda iyo albaabadeeda ,hadana weli ka dhursugaya , kuwaasna waxa la dhahaa jaboo jaq .


Juud oo jaq , kooxdani waa koox muxaafidka qudhiisu ka maarmay oo aan dan iyo muraad cidina ka lahayn iyana is og laakiin weli isku dhedhejinaya , kuwaasna waxa la yidhaahdaa juud oo jaq .

Muxaafidka maantu waa 7 jaad , barasho wanaagsan


W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...