Soomalilaan Kumay Iman Is Xulafeysi Jeegaamaysan Balse Waxaa Loo Soohuray Naf Iyo Maal Ummadda JSL U Wada Dhameyd !
Qalinkii A/rahman Fidhinle UK.
Qaranimada lagu naaloonayaa
kumey
iman
habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo
hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii
mujaahidiintii xijaabatay ee
ay ka sii
nool yihiin inta yar
ee debedyaalka
u ah
dacdarada dabeedaca
uu sicir bararku u dheer yahay.
Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota
ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi
shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda
qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo
isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha
dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo
maquunadaba.
Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo
soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka
Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli
maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada
maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona
kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo.
Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii
iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama
sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan
Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay
maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee
qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo
ururtey
hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta
saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo
hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku
duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta
ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba
ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala
jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado
degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin
isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu
sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay
Raage ayaan ka guntay " Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh "
Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca
furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay,
mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan
oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo
mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo
qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno
aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo
aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo
haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii
dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la
higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer.
Shacabka Somalilaan waxaa
deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan
midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida
maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo
deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya
nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda.
Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay
maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku
jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska
dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin
qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay
in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota,
oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la
soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka
qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman
yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal
qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud.
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan"" Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan " Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso "
Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...