" Faallo" Halka X aalka Somaliland Hadda Maraayo ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday June 06, 2019 - 09:11:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Faallo" Halka X aalka Somaliland Hadda Maraayo ( Abdi-Shotaly).

    Marka xukuumadi ay karkaarka dhaafayso, waxa lagu gartaa muran ka dhex dilaaca,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka xukuumadi ay karkaarka dhaafayso, waxa lagu gartaa muran ka dhex dilaaca,

is casilaadda oo xadka ka baxdda, boob loo sii kala dheereeyo, ilayn mid waliba wuxu is leeyahay idiin dhamaataye yaan lagaa badsane, markaas buu jeebebka iyo baannanka daayoo, xataa uu is yidhaahaa sharabaadadda, waxad qaadi kari waydo ku sii guro, sidda tan imika ina dhaxal wareejisay. sideeda-bana i s haysiga maamul, waa calaamadaha kala yaacoodda, oo waxa dhex gasha kala shaki la is aamini waayo, aakhir-kana midba wuxu doono buu xukuntaa, oo waa la iskala tagaa sharci iyo distoor, ka dib-na waa ta badu buurta hirdiday, waxa cayn-kaas ka dhigan oo si weyn inoogu muuqdda, in qasriggii Xaafad-tooyaddii ay fiintu ka dhex ciyeyso. isku daadatay, oo mid-ba inta uu maqan yahay Xataa haduu gobol kale u baxo) uu ka-ka sareeyaa, ama ka hooseeyaa uu amar u gaar ah dejinaayo, marka kii maqnaa yimaadana, uu amar kale oo ka soo hor jeedda, kii uu bixiyey saaxiib-kiisii shaqadu ka dhexaysay uu isna ku dhawaaqaayo. dabeed meeshu way isku kartaa waa sidda Imika ka taagan Xaafad-tooyada'e.  Aan kuu balbalaa-dhiyo'e, in yar i amaanaysii dhega-haaga iyo indha-haaga, oo si caafimaad qabta iila akhri intan hoos ku qoran.

 

    Waxa la yidhi "Labadda xaq darradda ku heshiiyaa, Xaqa bay isku dilaane" Akhristaw dar is cunaaya, laguma dhex jiri karo, waxa la isku haystay beryaha-ba, oo kolba heer soo socotay, dhawr jeer la kala dhex galay, oo askarigu dhawr jeer ka baxay balantii iyo heshiiskii lagu dhex galay, waxay soo gurguurata-ba imika bay miinaddii qaraxday, taas oo ah, Saylici baa wuxu watay Mr Xudhuunkii Ciidanka asluubta laga bedelay, kaas oo uu u isticmalai jirey, beriggii hore-na Cadaawadda uu Saylici u hayo Beesha Ciise, oo ay dhul isku haystaan, dabeed askari-gani inta uu xilkii ka qaaday, baa wuxu geeyey Libaaxo, oo ah isna ka soo jeedda beesha samaroon, laakiin aanay isku jifo ahayn, arintaas oo mudo-ba hoosta ka socotay, baa wakhtigan oo aad u xasaasi ah soo korodhay, markii uu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" uu u sheegay Saylici in uu rabo, Mr Xudhuun in uu geeyo ama u bedelo Gar-Adag, halkaas oo lagu dilay labaddii askari ee hore, oo kala haystay Sal-dhiga booliiska iyo jeelka Gar-Adag, sheekadda isaga iyo Saylici dhex taalaana ay ugu dhamaato. waxan ku soo xidhay qoraalkan ugu dambayntii, habeen hore waxay gaadhay in ay gacan iskula tagaan, Askariga iyo saylici, af buuxana wuxu ku yidhi askarigu, doorshadda dambe waxan kugu bedelayaa Mr Axmed Ismaaciil Samatar, wax ay ku soo gabag-baw-doba, mudo ilaa 2 todobaad ah xaal-koodu wuu cakiran yahay, oo wuxu joogaa Saylici oo leh ma adaa ku dhaca iyo askariga oo leh in yar i eeg.

 

        Wax la yidhi " Cagtii joogsan waydaa mar bay ceeb la kulan-taaye" Waxay bello ka hig leedahay Sidaan sare ku sheegay Xaafad-tooyaddii Somaliland, oo isku jiq ah, waxa ka dambeeya oo abuuray-na, Askariga lagu adeeg-sado ee la yidhaaho Geenyo Shaaximan, oo doonaaya in uu Mr Xudhuun , oo ay colaad hoose ka dhaxaysay mudo badan Hargeysa ka dhex saaro, waayo amar kama qaato iyo saylici oo hore ay isu qabsadeen, marka uu askarigu debedaha u baxo ( waa Raggii ma adigaa ka hadhaye), ayuu Geenyo shaaximani maamulka marooradaa, Saylicina ku yidhi Anaa Ku xigeen u ah askariga'e, ku ekaw wasiir Ku sheega Gudaha ( ilayn waxa loo samaystay ( isku dirka belaha bariga'e, ilayn wax kale uma joogo meesha'e). Cid kala gurtaana aanay jirin ee ay isla wareertay, halka aad wax ka sugay-saan waa meeshaas, iyaddii is eryanaysa siddii bahalo hilib kala boobaaya, raqina ay dhex taalo, Hadaba bal is waydiiyoo, Maxaad ka cuni dheri isagi isku gubtay? jawaabtu waa wax-ba, ee gaajo iyo macaluul baa afku kula sii qaloocan doonayaa. Waxay tahay mushkiladu, labaddii Xunkunal-qarqooshka meesha ku bahoobay, ee komishan ku sheega askariga hoos fadhiyaa ( laaluushk caabudka ahi) ay gacanta uga geliyeen ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Sayliciye), baa aan dabka kala qaadan ayaamahan ugu dambeeyey, oo iyakii la kala hayaaye, Ma cid bay markaa hadh u jiidayaan bay idin-la tahay? Saw maaha in aynu ka tashano, oo meel bed-qabta uga guurno, kaas oo ah in Mucaaridnimo kala hor tagno, ilayn waa tan oo isku dhalaashaye, ku darso oo dalkii kala badh baa wareegay Ramadan gudaheeddii, intii waxan meesha isku haysta,  ee ka bororinaaya Hargaysa, damceen in ay isku jebiyaan Beelaha Warsan-geli, ilayn meel kale oo aan hargsysa ahayn ma ay xukumaane, Maca badhi-saabaddii baa Puntland u wareegay. waayo wax iyakiiba kala dhamaan la',  ruux tuug ah, mid beelaysan iyo dhuuni raac uun baa dugsan kara, ee ninkii aqoon iyo garasho lahaa ka teg.

 

 

        * N.B " Labadda Xaq Darradda Ku Heshiiyaa, Xaqa Bay Isku Dilaan ".

        Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...