Erdogan, Oo Qaatay Kaalin Ay Reer Galbeedka Ka Soo Bixi Waayeen

0
Saturday July 23, 2022 - 08:43:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan, Oo Qaatay Kaalin Ay Reer Galbeedka Ka Soo Bixi Waayeen

    "Madaxa Qaramada Midoobay ayaa heshiiska ku tilmaamay mid wax ku ool ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxa Qaramada Midoobay ayaa heshiiska ku tilmaamay mid wax ku ool ah"

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.



Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.


Labada dal ayaa Jimcihii kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta qamadiga ee dekedaha Badda Madow.


Cunno yaraanta soo food saartay caalamka ayaa loo aaneynayaa duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii February ee sanadkan.


Heshiiska ayaa dhigaya in Ukraine ay maraakiibta ku hagto goobaha aan lahayn miinooyinka si ay badqad ugu safraan.


Waxaa arrintaa gacan ka siin doona Turkiga oo garwadeen ka ah heshiiska ay gaareen labada waddan.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa heshiiska ku tilmaamay mid wax ku ool ah.


Dalaga beeraha gaar ahaan qamadiga oo si weyn looga baahan yahay guud ahaan caalamka ayaa ka xanniban maqaasiinno ku yaalla dekadda Odessa ee Ukraine.


Ku dhawaad 20 milyan oo tan ayaa lagu qiyaasay qamadiga ku xanniban dekadaas.

Ukrain ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah soo saarista Qamadiga, balse go’doominta ciidamada badda ee Ruushka ayaa curyaamiyay dhoofintii loo dhoofin caalamka intiisa kale.


Dublamaasiyiintu waxay sheegeen in sida uu dhigayo heshiisku, uu Ruushku  aqbali doono xabbad joojin inta shixnadahu gudbayaan oo sii marayaan marinnada badda ee Ruushku uu joogo.


Turkiga oo dhexdhexaadiye ka ahaa heshiiskan-- ayaa xiriirin doona heshiiska.

Maraykanka ayaa mabda’ ahaan soo dhaweeyay heshiiska, balse waxa uu sheegay in Moscow lagula xisaabtami doono dhaqan-galkiisa.


 Heshiiska – oo qaatay labo bilood in halkan la joogo la soo gaaro– ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo 120 maalmood ah, iyadoo xarun isku-dubbarid iyo dabagal ah laga samayn doono Istanbul, oo ay ka shaqaynayaan saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, Turkiga, Ruushka iyo Ukraine.


Waana la cusboonaysiin karaa haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Xayiraadda Qamadiga ee Ukraine ayaa sababtay cunno xumo caalami ah iyada oo cuntooyinka qamadiga laga sameeyo  sida rootiga iyo baastadu ay qaali noqdeen, saliidda wax lagu karsado iyo madooyinka bacriminta ayaa sidoo kale kor u kacday qiima ahaan.


Si kastaba ha ahaatee Kautharey dad badani waxay qabaan in heshiiskani wallow muddadiisu gaaban tahay haddana uu wax weyn ka tari doonto cunta yarida baahsan ee soo wajahday caalamka.

 

BBC

 

Loading...
Loading...