Waa Sidee Xaaladda Joe Biden Oo Laga Helay COVID-19

0
Friday July 22, 2022 - 19:42:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaaladda Joe Biden Oo Laga Helay COVID-19

    "Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaadanaya dawada Paxlovid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaadanaya dawada Paxlovid"

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa laga helay cudurka Covid-19, waxa una hadda ku karantiilan yahay Aqalka Cad.

 

79 jirkan ayaa horay si buuxda looga tallaalay fayraska, labo jeer ayuuna soo qaatay tallaalka Covid.

 

Hadda waxa uu leeyahay calaamado "aad u xaddidan" oo muujinaya cudurka, waxa uuna sii wadan joogaa gudashada waajibaadkiisa, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.

 

"Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaadanaya dawada Paxlovid oo ka hor tagta inuu cudurku jirka waxyeello ba'an u gaysto," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay afhayeenkiisa.

 

Marwada Koowaad ee Mareykanka, Jill Biden, ayaa sheegtay in seygeeda "uu fiican yahay", iyadana laga waayay xanuunka.

 

Sida uu qabo xeerka Aqalka Cad, madaxweynaha ayaa shaqada wadan doona isagoo karantiil ku jira, ilaa cudurka laga waayo, sida ay shegetay Ms Jean-Pierre.

 

Shirarka ayuu uga qayb geli doonaa qaab maqal iyo muuqaal ah, isagoo adeegsanaya Zoom.

 

BBC


Loading...
Loading...