Bangiga Horumarinta Afrika oo Mallayiin Dollar ugu deeqay gurmadka Abaaraha Somalia

0
Friday July 22, 2022 - 12:10:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Horumarinta Afrika oo Mallayiin Dollar ugu deeqay gurmadka Abaaraha Somalia

    "Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay sii, taasoo abuurtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay sii, taasoo abuurtay


Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) oo adeegsanaya, Sanduuqa Horumarinta Afrika, ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah si loogu taageero gurmadka degdegga ah ee Soomaaliya.


Nnenna Nwabufo, oo ah agaasimaha guud ee Bangiga ee gobolka Bariga Afrika, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in abaarta daba dheeraatay & colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunto yarida kajirta dalka Soomaaliya.



 

Nwabufo waxa uu sheegay in deeqdani ay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta isla markaana si gaar ah loo geyn doono lix gobol oo kamid ah dalka.


"Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay sii, taasoo abuurtay xaalado nuglaansho joogto ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u saamaysay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada,” ayay tiri.


Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya waxaa xilligaan kajirta abaar baahsan oo saameysay dad iyo duunyo, waxaana abaarta ay sii xoogeysatay markii ay ha’adaha samafalka ay ka gaabiyeen waxka qabashadeeda.

Loading...
Loading...