Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Urur Siyaasadeed Cusub Ku Dhawaaqay

0
Thursday July 21, 2022 - 18:35:12 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Urur Siyaasadeed Cusub Ku Dhawaaqay

    Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Urur Siyaasadeed Cusub Ku Dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Urur Siyaasadeed Cusub Ku Dhawaaqay


Hargeisa(HWN):-Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo magaciisa loogu wan-qalay KAAH.
May be an image of 6 people and text



Ururkan cusub ee KAAH waxaa hogaaminaya siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbul-xaakimka Kulmiye.


Munaasibado kala duwan oo lagu shaacinayay urur siyaasadeedkaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Hargaysa, iyo Boorama.


Xafladda shaacinta urur siyaasadeedka KAAH ee Hargaysa ka qabsoontay waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin kala duwan oo qaarkood xilal wasiirnimo uga soo qabteen Somaliland.
May be an image of 11 people and people standing

Sidoo kale, isla xafladaasi waxaa joogay xildhibaano ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, kuwaasoo qaarkood ay xiligii doorashadoodda ka soo baxeen xisbiyo kala duwan.

Xubnahaasi waxaa ka mid ah xildhibaan Maxamed Khadar, oo ka tirsanaa xisbiga Waddani, xildhibaan Axmed Timo-jilic, oo isnaka tirsanaa Waddani, xildhibaan Maxamed Xasan, oo isna ka soo baxay xisbiga UCID, xildhibaan Xasan Laab-saalx, oo ka tirsanaa xisbiga Kulmiye, iyo xildhibaano kale.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibadii shaacinta ururka KAAH, ayaa ka waramay qorsheyaasha ururka iyo waxa uu kaga duwan yahay ururrada kale ee ku jira saaxadda siyaasadda Somaliland.

Loading...
Loading...