Maxaad ka Ogtahay Faa'iidoyinka Caafimaad Ee Hohobta/midho-toonka?
Waxa Afka-Soomaaliga lagu dhahaa Hohob/midho-toon waxa luuqadda Ingiriisida lagu dhahaa Grewia asiatica, commonly known as phalsa or falsa, waxa luuqadda Carabida lagu dhaha(فالسا)
Hohobtu waa miro macaan oo la cuno, waa xubin ka tirsan qoyska (tiliaceae) waa dalag yar oo miro ah oo la beero, waxa ku jira cyanidi 3- glucoside, fitamiinada laga helo waxa ka mid ah fitamiin C, iyo macdana kalo fara badan.
Geedkani Asal ahaan wuxuu kaso jeeda koonfurta Aasiya isagoo ka yimid Bakastan, Hindiya, bari ilaa Niibal,
Tayland, kolambiya iyo Laos, wuxuuna si weyn uga baxaa wadamada cimilada
diiran leh, Qaar ka mid ah magacyada caanka ah ee geedkan waxa ka mid ah,
Grewia, Falsa, Indian Phalsa, Parsa Phalsa, geed Phalsa iyo berry Phalsa.
Geedkan wuxu gaadha dhererkisu ilaa 8 mitir caleemaha geedkan dherekoodu waa 10-18 cm, ballacooduna waa 9-14 cm.
Miraha hohobtu waa midho glycemic index hoose leh, waxay door ku leeyihiin xakamaynta dheef-shiid kiimikaadka iyo gulukoosta dhiigga.
Nafaqooyinka ku jira Hohobta ama midho-toonka ceeriin waa.
---------------------------------------------------------------------
▪️ Vitamin B2 (20.31%)
▪️ Carbohydrate (16.23%)
▪️ Total dietary Fiber (14.55%)
▪️ Calcium (13.60%)
▪️ Iron (13.50%)
Faa'iidayinka caafimaad ee Hohobta ama midho-toonka.
----------------------------------------------------------------------
1). Wuxuu daaweeyaa dhiig yarida, birta ku jirta midhaha hohobtu waxay caawisaa inay daweyso dhiig yarida
2). Wuxu bogsiiyaa dhaawacyada Waxa kale oo la og yahay in miraha hohobtu ay ka caawiso bogsashada boogaha iyo cambaarta.
3). Wuxu ka hortagtaa cudurka macaanka, Cilmi baaris ayaa shaaca ka qaaday in laga soosaaray ethanolic ee miraha G. asiatica ay leedahay saameyn hypoglycemic oo muhiim ah, antioxidant, iyo saameyn-isbedelka difaaca jirka.
4). Wuxuu daaweeyaa Dhibaatooyinka Neefta, Cabitaanka miraha hohobta waa wax cajiib ah waxana lagu daweeya dhibaatooyinka neefsashada oo ay ku jiraan neefta/xiiqda, boronkiitada, hargabka, iyo kuwa kale.
5). Wuxu dhisaa murqaha, Dhis muruqahaga si wanaagsan adiga oo si joogto ah u cunaya hohobta.
6). Miisaanka dhimista, Waxaad cuni kartaa baaquli miro ah adoon ka welwelin kalooriyada. Khudaarta hodanka ku ah fiber-ku waxay caawisaa dhimista miisaanka iyagoo kaa ilaalinaya inaad dheregto muddo dheer.
7). Waa il aad u fiican oo laga helo antioxidants kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara ka hortagga kansarka.
. U Wanagsan caafimaadka Maqaarka Iyo Timaha.
9). Faa'iido U leh Caloosha iyo Xiidmaha.
10). U Wanagsan caafimaadka wadanaha.
والعلم عند الله.
W/Q: Abdirashiid Mohamed kaahin Dr-Dalab.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





