Suldaan Samatar Oo Tacsi U Diray Ehelada AHUN Marxuum Xil.Cali Aareeye.

0
Wednesday June 05, 2019 - 19:39:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Samatar Oo Tacsi U Diray Ehelada AHUN Marxuum Xil.Cali Aareeye.

    Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska
iyo qaraaba uu ka baxay AHUN Xildhibaan Cali Macalin Areeye oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo arimo caafimaad loo geeyay.

Suldaanka oo ku hadlayay Afka dhaqanka beelaha uu matalo ayaa Marxuunka Alle uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, eheladiisa, qaraabadiisa, xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland iyo Shacabka reer Somalilandba eebe u waydiinayaan in uu samir iyo iiman ka siiyo, Marxuunkana Janadii Farduusa ku arsaaqo


Suldaan Samatar ayaa marxuumka ku sifeeyay  xildhibaan hadal cad cad, islamarkaana u hadli jiray danaha dadka iyo degaanadii laga soo doortay, waxana uu ka mid noqday dadii ka qayb qaatay dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii Somaliland.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...