Markii Iigu Horreysay Sheekh Aadan Siiro.

0
Saturday July 16, 2022 - 11:29:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii Iigu Horreysay Sheekh Aadan Siiro.

    Xasuus-qorkii:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasuus-qorkii:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Taariikhdu haddii aanan qaldaneyn waxay ahay 1990kii,dhammaadkiisii ama bilowgii 1991kii, meeshu waa qaxoontigii caanka ahaa ee reer Somaliland u qaxeen dagaalkii 1988kii.markaas waxaan ahaa..koray ama wiil aad u yar da'daydu haddii aan qiyaaso 11jir.dulcad suuqii sare ama qaybta galbeed waxay lahayd masaajid u ahaa masjid jaamac...inkastuu yaraa..kana sameynaa dhoobo iyo qoryo ama sarab dhammaantii...



afarta dhinac ba iyo waliba saanqaafka.habeen habeenada ka mid ah..ayaan naloo sheegay markii makhribkii la tukaday in Sheekh la yidhaa...Aadan siiro noo gali doono"muxaadaro"


Sheekhu ilaahay u naxariisto...wali way igu sii qorantahay waxa uu xidhnaa habeenkaas...dhar isku joog ah oo ahaa nooca jiiniska ah ama shiingeyga ah oo buluug ah oo barigaa dadka dibadaha ka yimaada lagu arki jiray.jawiga deggan oo dulcadeysan oo iimaan iyo xiise sheekh cusub oo dulcad ku cusub ku dheehanyahay ayuu ku bilaabay muxaadaradii.sidii caadada u ahayd waxa uu ku furfurtay...hordhiciisii ay ku dheehneyd...sida uu marwalba u furfuran jiray hadalka ama wacdiga ee aftahannimada luuqadda carbeed ku dheehantahay.waxa uu bilaabay Siiradiisii..markaas ayuu si wireless ah...nooga qaaday qaxoontigii dulcad oo uu nageeyey makka iyo madiina iyo dhulkii Nabiga(csw),ku noolaa iyo asxaabtiisii...isagoo sawiro iyo tusaale ka bixinaaya taariikhdii islamka iyo hab nololeedkii Nanigeenna(csw) iyo asxaabtiisii iyo wixii dagaal iyo jihaad isla soo mareen.waxa marwalba khubaddiisaa iyo tu kastab ka maqnaan jirin go'aamadii iyo geesinimadii uu lahaa "Cumar binu khaddaab".!!habeen aan maskaxda ka bixin.!!!!ilaahay qabriga ha u wasiciyo....jannadana ha geeyo isaga iyo innagaba.


Xasuus-qorkii:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan school.

Hargeysa,Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...