Taariikh Nololeedkii AHUN Xildhibaan Cali Aareeye + Tacsi

0
Wednesday June 05, 2019 - 19:10:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii AHUN Xildhibaan Cali Aareeye + Tacsi

    Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaan Ibraahin Sheekh Maxmuud Xirsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaan Ibraahin Sheekh Maxmuud Xirsi
, Xildhibaan Jirde Daahir, Ex Wasiir Maxamed Cabdi Faahiye, Badhasaab kuxigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Lowyacado Farxaan Maxamed Yuusuf, Dhamaan dadkan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan AHUN Xildhibaan Cali Macalin Areeye oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo arimo caafimaad loo geeyay.



Waxa ay tacsi kadib Marxuunka eheladiisa, qaraabadiisa, xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland iyo Shacabka reer Somalilandba eebe u waydiinayaan in uu samir iyo iiman ka siiyo, Marxuunkana Janadii Farduusa ku arsaaqo


Alle Ha u Naxariistee Xildhibaan Cali Macalin Arreye ayaa sanadkii 1952kii ku dhashay magaalada Quljeed, waxana uu ku barbaaray isla degaankaasi Qulujeed oo uu dugsigii hoose ka dhigtay.


AHUN Xildhibaan Cali ayaa ka mid ahaa ardaydii ka baxday dugsigii sare ee Camuud Dabayaaqadii Sanadihii todobaatamaadkii, waxana uu ka mid noqday ardaydii wax ka baratay Kuliyadii Lafoole.


AHUN Xil. Cali Arreye ayaa Horaantii sanadihii sideetamaadkii Macalin ka noqday dugsigii Sare ee Xalane, waxana uu bartamahii sanadihii Sideetamaadkii tagay dalka Yaman, halkaas oo uu Macalin dugsi sare ka ahaa.


Bartamihii Sanadihii Sagaashamaadkii ayaa uu AHUN Xildhibaanku ku soo taabtay dalka, waxana uu ka mid noqday dadii ka qayb qaatay dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii Somaliland, isaga oo markaana sanadkii 1997dii Noqday Wasiirkii Hidaha iyo Dhaqanka ee Xukuumadii Madaxwayne Cigaal.


AHUN Marxuunka ayaa waxa uu sanadkii 2005tii ka mid noqday xildhibaanadii ugu horeeyay ee baarlamaan la soo doortay oo ay Somaliland Yeelato, isaga oo markaas laga soo doortay gobolka Awdal.


Ilaa dhimashadiisii ayaa xildhibaanku waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo markaas lagu xasuusto, hadal cadi iyo isaga oo u hadli jiray danaha dadka reer Awdal iyo degaanadii laga soo doortay.


Alle ha u Naxariistee Marxuun Cali Macalin Arreye ayaa lagu naasaysi jiray Makarafoonkii Golaha Wakiilada, isaga oo naanaytaas kula baxay dhiiranaanta, cod karnimada, iyo isaga oo aan ka gaban jirin runta.


Marxuunka ayaa lagu wadaa in Maalinta Bari ah ee Khamiista ah Aas Qaran loogu Sameeyo Magaalada Hargaysa.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...