Xasuustaydii Sheekhal baladkii caasimada Shekh Aden Siiro :

0
Saturday July 16, 2022 - 08:49:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuustaydii Sheekhal baladkii caasimada Shekh Aden Siiro :

    Xildhiban Jamal Aden Diriye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhiban Jamal Aden Diriye

Shekh aden siiro waxa codkiisa igu horaysay sanadkii 1998 aniga oo ah arday dhigta dugsiga hoose , waxa aan soo duubtay cajalado ka mid ah cajaladihii Siirada Rasuulka ee uu sheekhu duubay ee kusoo caan baxay .



Waxa ay igu sameysay cajaladahaas taxanaha ahaa ee siiradu xiiso badan oo aan u qaaday daarasadda iyo barashada siirada .


2001 sanadku markuu ahaa waxa aan ugu tagay shekha masajidkiisa ku yaalay xaafada Xawaadle ee loo yaqaan Masajidka xawaadle , halkaas ayaa aanu kaga dhagaysan jirnay casharadii siirada rasuulka ee carfiga iyo saxan saxada udugga leh .


2002 waxa aan mar labaad ka bilaabay masaajidka  Xawadle kitaabta Al-addilah arridiyah oo uu akhrin jiray Sh Cabdilahi Xasan Xashi Barbarawi , taasi waxa ay jaanis kale u noqotay is barashadii iyo is dhex galkii sheekh Aaden oo ahaa imaamka iyo khadiibka masaajidka .


2003 waxa aan ka mid noqday dhalinyaro hawl fududeyaal ka ahaa muxaadaroyin xidhiidh ah oo ku saabsanaa Duullaan Maskaxeedka lagu hayo umadda muslimka , sheekhu waxa uu ka mid ahaa culimadii soo qaban qaabisay muxaadarooyinka xidhiidhka ahaa , waxa ka mid ahaa culimadii ka qayb gashay ee soo jeedisay muxaadarooyinka Sh Aden Siiro , Sh Mustafe Haji Ismaciil haruun, Sh Xasan Cabdisalaan , Sh yassin ibarhim Cabdi , Sh Axmed iid , Sh barbaraawi ,Sh maxamed cumar Dirir, in badan oo aan. Soo koobi karin oo ka mid ah culimada waawayn ee Somaliland , waqtigaasi waxa uu ahaa waqtigii ugu badnaa ee aanu is dhex galnay sheekha marxuumka ah maanta .


2012 Markii aanu ka qalin jabinay  Jamacadda waxa uu ahaa shakhsigii kaliya ee si gaar ii dhiiri galiyey iigu bushaareeyey in uu iga horeeyo mustaqbal siyaasadeed oo fican lakin bulshada aan ka ilaaliyi qabyaalada, eexda iyo cudurada bulshadeena aafeeyey, waxa uu sheekhu noo sameeyey casho sharaf tobankii arday ee ugu sareeyey , waxa uu sheekhu nagu casuumay  xafiiskiisa laba goor , laba goorna Mansoor Hotel , waxa uu nagu wareejiyey dhaqaale wanaagsan oo aanu ku joogno magalada inta aanu nahay shaqo raadiska maadama aanu nahay arday cusub oo imika uun soo qalin jabisay .


Ardayda uu maalinkas nagu dhiiri galinaayey sheekhu waxa ay ka koobnaayeen dhamaan gobolada Somaliland , waxa an ka xasuusta Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir , Oo imika aanu ka wada tirsanahay golaha wakiilada , maxamed cumar cabdi,Sahal Cabdiraxmaan iyo hablo iyo rag kale oo badan oo imika aan ogayn qaar badan halka ay ku sugan yihiin .


Sheekha ilaaahay ha u naxariisto , waxa uu ahaa tiir ka mid ah tiirarka cadaalada iyo garab istaaga Xaqqa ah, ilaahay badalkiisa ummada ha usoo buuxiyo , ehelkii iyo qaraabadii , umada somaliland haka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah .


Xildhiban Jamal Aden Diriye

Golaha Wakiilada Somaliland

Hargaysa , Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...