Saddex Tilmaamood Oo Aanu Ku Gaadhi Karin Sh. Aadan Siiro

0
Saturday July 16, 2022 - 08:36:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Tilmaamood Oo Aanu Ku Gaadhi Karin Sh. Aadan Siiro

    Sh.khadar badeed muxu ka yidhi Sh.Aadan siiro maanta khudbaddii....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh.khadar badeed muxu ka yidhi Sh.Aadan siiro maanta khudbaddii....

Saddex tilmaamood oo aanu ku gaadhi karin wadaad iyo ganacsade maanta joogaa ayuu ku tilmaamay....



Wuxu ahaa deeqsi

Hawlkar nimo

Dhiiranaan iyo run sheegid.


Wuxu yidhi Hindiya ayaa laga soo wacay,markaan waydiiyay ayuu igu yidhi Masjid aan gacanta ku hayay dhaqaalihiisa ayaan ka dib dhacay.


Waxan is waydiiyay hadduu gacanta ku hayo kii hindiya ku yaallay,imisa dalka ah ayuu hayaa.?!

Waxan bookhday xafiiskiisa uu dadka ku qaabili jiray ,waxanu galnay saf dheer,dhammaan dadku waxba uuma sidaan,isaga ayay wax ka rabaan...


Mid ayaa leh dayn iga bixi,mid ayaa leh hawl ii xalli,mid ayaa leh aniga I shaqo gee iwm..

Waa kee ninka isagoon waxba lagu siin, sidaas dadkiisa uugu adeega?!


Wuxu ahaa nin dhiiran oo wuxu rabo anba diido cidna uuga habran,runtana sheega...

Wuxu ahaa sheekh,waxaanu ahaa ganacsade,marar badan fullaynimo iyo maslaxad ayaa wax lagu xeeriyaa ,isagu wuxu ka doorbiday in aanu dadkiisa danihiisa ka dooran.....


Anigu aqoon,karti,deeqsinimo midna kuma agjoogsan karo Sh.Aadan,Ilaahay khayrkiisaa hawgu naxariisto.


By Sh.khadar Cabdillahi Badeed.

15/7/2022 Masjid muscab-Calaamadda.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...